Sign in to follow this  
Deeq A.

Calmiskaad: Xagee ku sugan tahay Daacish?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000104201.jpg

Saraakiisha Puntland ayaa qirtay in ay jiraan goobo ku yaalla Calmiskaad oo ay weli ku sugan yihiin Daacish, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay joogaan hoggaamiyeyaasha sarsare iyo maatada kooxdaas.

Gaashaanle Jaamac Qorrax Sugulle oo ka mid ah saraakiisha Puntland ee dagaalamaysa Calmiskaad oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Boosaaso ayaa sheegay in ay kooxda Daacish hadda joogaan Baalade hoose, gaar ahaan ceelasha Dallaas iyo Afka Haqay.

“Wax yar oo firxad ah ayaa ku dhuumaaleysanaya Baalade hoose, sida ceelasha la yiraahdo Dallaas iyo Afka Haqay. Ilmihii ayay afka ku sitaan, wixii ay hayeena waxay kula dhuumaalaysanayaan togga Baalade” ayuu yiri Kornayl Sugulle.

Sarkaalka oo xusay in uu deegaankaas ku dhashay uuna aad u kala yaqaano ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay tagi doonaan goobahaas ayna ka sifeyn doonaan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Puntland ayaa dhawaan lix bilood oo dheeri ah ku kordhisay waqtiga howlgalka la dagaalanka Daacish ee Calmiskaad, kaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo dhammaadka sanadka 2025.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this