Deeq A. Posted 11 hours ago Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku diray askar magaalada Muqdisho ka gaysatay dil, dhaawac iyo dhac. Dable xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) ayaa lagu xukumay dil toogasho ahna qisaasta marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim oo ahaa guddoomiyaha waaxda salxiiska degmadda Dayniile, falkaas todobadii bishii Juun ee sanadkan ka dhacay Dayniile. Dable xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ayaa lagu xukumay toban sano oo xabsi ciidan ah, halka dable xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake), Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka), dable xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag), dable xoogga Cabdishakuur Eelaay oo (maqane) ah iyo Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga) oo (maqane) lagu xakumay min shan sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dhaawac iyo dhac. Sidoo kale Maxamed Cabdi Cismaan (Wadna-qabad) ayaa lagu ku xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah, halka dable xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) lagu xukumay hal sano oo xabsi ciidan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay dhaawac iyo dhac. Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) oo eedeysane ahaa ayaa maxkamaddu siisay xorriyadiisa. Xukunadan waxaa warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites