Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Raascasayr oo looga yeeray Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000104317.webp

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa dhammaam mas’uuliyiinta gobolka Raascasayr ee heer gobolka iyo heer degmo uga yeertay magaalada Garowe.

Warqad ka soo baxay wasiir Juxa oo ku socotay guddoomiyaha gobolka Raascasayr, isuduwa wasaaradda ee gobolkaas, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo xoghayayaasha ayaa lagu wargeliyay in 25 bishan Diseembar ay yimaadaan magaaalda caasimadda ah ee Garowe.

Ujeedka loogu mas’uuliyiinta gobolka Raascasayr ayaa lagu sheegay in wax laga weydiinayo howlaha shaqo ee u idman yihiin.

Gobolka Raascasayr waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka jiray xiisad iyo khalgal maamul oo ay sababeen khilaaf u dhexeeya wasaaradaha maaliyadda & kalluumaysiga Puntland, iyo hubkii laga dejiyay markabka Sea World oo labo jeer lagu dhacay gobolkaas.

1000104279-1029x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this