Sign in to follow this  
Xudeedi

Atam gives an interview to Galgalanews: (Audio)

Recommended Posts

Xudeedi   

Sheekh Maxamed Said Atam oo Hogaamiya Ciidamada deegaanka ee Galbeedka bari ayaa Maanta la hadlay Boggan GalGalanews , isaga oo sheegay in uu Xeelad Dagaal uga Baxay GalGala ee aan La wiiqin Wadoodiisa, Sida aan Horay u Baahinay GalGala News Atam waxa uu ku celiyay inuu Xeelad Dagaal Dibu Gurasho Sameeyay.

 

 

Waxa uu Cara baabay inaanu wali Dagaalkii Dhamaan isla markaana ay Adeegsanayaa Waxa uu ku sheegay “Ku Dhufoo Ka Dhaqaaq, isla markaana ay Haatan GalGala ku Hareeraysanyihiin.

 

“Anaga Islaam Baanu Nahay Mana Daan Daansan Anaga PL iyagaa weerar Soo qaaday GalGala PL ma Hoos Timaad waxana Dhaqaale Raadis Dagaalka ku Doonaya PIsta Ama Kooxda loo Yaqaan Sha’haado la Dirar waana naluku soo duulay waana is difaacaynaa” Ayuu Yiri Atam.

 

Atam waxa uu Qeexay in dadka deegaanka Ku Noolay aanay ahayn Hal Qabiil ee deegaanka Lawada deganyahay isla markaana Sha’haada la dirirka ayaan la Diriraynaa waxana ay la Dagaalamaan Laa Ilaahu Ilaahu waxa la Sawiray Masaajidadii Magaalada oo dhana waa la Bur Buriyay”Ayuu Yiri Atam.

 

Sheekh Atam Waxa uu Ku cel celiyay in ay Ajaanib Yihiin kuwa Dagaalka ku soo qaaday GalGala oo ay ka mid Yihiin Ethiopia iyo USA.

 

Sidoo kale waxa uu Mar labaad iska Fogeeyay inaanu wax Log ah ku Lahayn Al-Shabaab iyo Al-Qaacida e,ay Islaam Kaliya wadaagaan Al-Shabaabka ayuu Sheegay Maxamed Sicid Atam.

 

Waxa Ku eedeeyay PL inay Odayaashii deegaanka Radiyeen ama diideen In Hashiis la Galo, isaga oo xusay in hadii ay Hashiis Galayaan in PIStu ay Farah Galinta ka Daayaan GalGala iyo Galbeedka Bari.

 

Faroole ayuu ku eedeeyay inuu Balan qaaday inuu Tir Tiro AShaahada la Dirirka Balse taasi ayuu ka Been sheegay oo Balantii ka Baxay,wixii dhibta wada ilaa la soo Qabto.

 

Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa sheegay inay Xal tahay in oo uu isagu u Arko Natiijo in Shacabku Tashaan oo ay ka Guuraan Kuwa Diinta Gadanaya Qorigana ay Sidanayaan ilaa PIStu ka Baxdo Gudaha Galbeedka Bari.

 

In Kastoo ay Jiraan Waraysiyo badan oo uu siiyay Sheekhu Warbaahinta Caalamka Sida BBc-da Iyo VOA-da hadana xidhiidh aanu la Samaynayo ayuu Ku Sheegay Waraysigan inay Weerar Cir iyo dhul ah ku Qaadayaan waxa uu ku sheegay Maamulka AAn madax Banaanayn ee Faroole Hor Boodayo waa sida uu Hadalka u dhigayay waa Waraysigii ugu Horeeyay oo uu Shacabka Reer Maakhir Toos Fariin Maqal ah Ugu diro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this