Deeq A. Posted yesterday at 01:43 PM Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Senetor Ted Cruz Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in hadalladii Senator Ted Cruz ee uu ka jeediyey Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka ay yihiin taageeradii ugu cuslayd ee loo muujiyo kaalinta muhiimka ah ee Somaliland ku leedahay ammaanka Badda Cas iyo xasilloonida marin-biyoodka caalamka. Sida aan horey u baahinay, Ted Cruz oo ah senator ka tirsan Aqalka Saree e Mareykanka oo ka hadlayay gal-dhagaysiga Aqalka Sare ee Guddiga Arrimaha Dibedda u qaabilsan Amniga Badda ee Afrika, ayaa si gaar ah u xusay doorka ay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ku leedahay ilaalinta Gacanka Cadmeed, la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedka, iyo ka hortagga saameynta Shiinaha ee gobolka. “Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo Mareykanku dhanka amniga badda e Afrika ku leeyahay, waxay ku taalaa Gacanta Cadmeed, agagaarka mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan ee maraakiibtu isticmaalaan dunida”, ayuu yiri. Senator Cruz ayaa oo Somaliland ku tilmaamay bah wadaag istiraatiijiga ah ee Maraykanka ee amniga badaha. ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland tahay mid ku naalloonaysa dimuqraaddiyad iyo xasillooni lagu kalsoonaan karo, isla markaana ah waddan istiraatiiji ah oo taalla Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, waxaa uu Cruz sheegay inuu Trump ka codsaday inay aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland “Horaantii sanadkan, waxaan warqad u diray madaxweyne Trump, taas oo aan ku boorinayo inuu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland. Sidii la filayayba, xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa si degdeg u cambeerayay warqaddaas, taas oo muujinaysa muhiimadda istiraajiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay amniga qaranka ee Mareykanka”, ayuu intaas raaciyay senator Ted Cruz. Xuseen Deyr ayaa sheegay in baaqa Senator Cruz ee aqoonsiga Somaliland uu muujinayo fahamka dhabta ah ee qiimaha juqraafi-siyaasadeed ee ay Somaliland u leedahay danaha Maraykanka iyo amniga gobolka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites