Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea oo ka baxday IGAD xilli xiisadda kala dhexeysa Itoobiya sii kordhayso

Recommended Posts

Deeq A.   
igad.jpg

Dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay ka baxday xubinimadii Urur Goboleedka IGAD, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

Wasaaraddu waxay ka bixitaanka ururka ku xustay bayaan ay soo saartay 12-kii December, 2025.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Eritrea ay ka baxdo xubinnimada IGAD. Sannadkii 2007-dii ayay iska casishay xubinimadii ururka, iyadoo sabab looga dhigay inaysan buuxin karin rejadii ay ka filayeen dadka gobolka iyo Eritrea gaar ahaan.

Ka dib 16 sano, waxay mar kale dib u cusbooneysiisay xubinnimadeeda Waxay dib ugu soo laabatay xubinnimadeeda iyadoo rejaynaysa in ururku uu fuliyo dib u habeynta ay Eritrea rabto sida ay wasaaraddu sheegtay.

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aysan ilaalinayn danaha Eritrea, isla markaana ay ku fashilantay xaqiijinta xasilloonida iyo rabitaanka shacabka gobolka.

“IGAD waxa ay si xun u sii waday in ay dib uga dhacdo mas’uuliyadeeda iyo baahideeda,” ayaa lagu yidhi bayaanka

Waxa uu intaa ku daray in IGAD ay ku guuldareysatay in ay gaadho faa’iidooyin istiraatijiyadeed oo laga sugayo xubnaheeda si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo xoojinta xidhiidhka. Waxa uu sheegay in ay ku fashilantay in ay wax weyn ka tarto xasilloonida gobolka.

Eritrea ayaa dib u xasuusatay inay door muhiim ah ka ciyaartay xubnaha kale markii IGAD la xoojiyay.

Maxaa loo aasaasay IGAD?

Urur goboleedka IGAD ayaa la aas aasay sanadkii 1980-kii, waxaana hindisaha lahaa Qaramada Midoobay sidii xal waara loogu heli lahaa kaneecada iyo abaaraha ka jira Bariga Afrika.

Sideed waddan ayaa xubno ka ah ururka, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in la dejiyo habraacyo horumarineed oo si wadajir ah loola dagaallamo abaaraha soo noqnoqda ee Bariga Afrika.

Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Suudaan iyo Uganda ayaa ahaa xubnihii aasaasay IGAD, iyadoo Eritrea iyo Koonfurta Suudaan ay markii dambe ku biireen.

Toban sano ka dib, 1996, ururku wuxuu ballaadhiyay ujeeddadiisii iyo yoolkiisii waxaana dib loo habeeyey qaabka uu hadda yahay.

Ururku waxa uu shaqadiisa bilaabay 1996-kii iyada oo ujeedadu ahayd nabad iyo xasilooni, iskaashi dhaqaale iyo wax wada qabsi.

.

Xigashada Sawirka,Igad Secretariat

IGAD iyo Eritrea

Labo sano ka hor, markii Eritrea ay dib ugu laabatay IGAD 16-sano oo ay hakad ku jirtay, ayuu Dr. Yonas Adaye ku tilmaamay xiriirka IGAD iyo Eritrea mar uu BBC-da u warramayay.

“Ku soo laabashada Eritrea ee IGAD waxay u wanaagsan tahay aqoonsiga Afrika, si ay u koraan waa in aan iskaashi la sameynaa wadamada kale, waxaan aaminsanahay in lala shaqeynayo kuwa kale kaliya maahan diblomaasiyad, laakiin sidoo kale ganacsiga iyo dhinacyada kale maahan dammaanad buuxda oo amniga gudaha ah.

Marka labaad, wada jirka maamulku uu la leeyahay dalalka deriska ah waa tallaabo istiraatiiji ah oo weyn, waxaan qabaa in wada jirka iyo horumarka ay tahay biseyl siyaasadeed oo weyn,” ayuu u sheegay BBC-da Jonah.

Mar uu ka hadlayay sababta Eritrea ay hadda dib ugu soo laabatay xubinnimada IGAD, ayuu sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay gobolka ka dhaceen isbedello badan.

Siyaasadda dunidu waxay noqotay mid kooxaysi badan sababtuna waxay tahay dagaalka Ukraine iyo Ruushka iyo Shiinaha oo balaarinaya danaha istiraatijiyadeed ayaa kordhiyey muhiimada Koonfur Afrika.

Sababta ugu weyn ayuu ku sheegay in xal laga gaaray xiisaddii muddada dheer soo jiitameysay ee u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea, taasina ay tahay fursad wanaagsan oo dalku uu dib ugu soo laaban karo IGAD, isagoo sheegay in dhawaan la xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha iyo Ruushka.

“Haddii Eritrea ay doonayso inay ka faa’iidaysato badda cas iyo istaraatiijiyada juqraafiga ah, kaligeed ma samayn karto…Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto waxaa laga yaabaa inuu dib ugu laabtay IGAD damaciisa cusub,” ayuu yiri Yonah.

Wuxuu aaminsan yahay in haddii hal baasaboor laga heli lahaa dalalka IGAD sida ECOWAS in aan dhaqaalaha oo kaliya la abuuri karin ee nabadda iyo xasilloonida la abuuri karo si loo xalliyo saboolnimada dalalkan.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this