Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Hay’adda Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
1000098744.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meelmariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed, kadib markii sida la sheegay uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay diinta islaamka, dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dooday oo ansixiyay sharciga dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka oo markii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelanayso, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Golahu waxay kaloo ansixiyeen Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda (Axdiga Sar 1979), Axdiyada Geneva 12 August 1949 (Additional Protocols) iyo heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

PUNTLAND POST

The post Golaha wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Hay’adda Deegaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this