Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawl-galka ICE ee Minnesota oo si gaar ah u taabanaya Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka (ICE) ayaa lagu soo waramayaa inay toddobaadyada soo socda bilaabi doonaan hawl-gallo cusub oo ka dhan ah dadka aan lahayn sharciyada joogitaanka, iyadoo diiradda gaarka ah la saarayo gobolka Minnesota halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan gudaha Mareykanka.

Warbaahinta CNN ayaa xaqiijisay in hawl-galkii ugu horreeyay uu ka bilaaban doono magaalada Minneapolis, taasoo ah xarunta ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Ujeeddada hawl-galka ayaa lagu sheegay “in lagu qabto shaqsiyaadka aan sharciyadda joogitaanka haysan” iyadoo la adeegsanayo cutubyo gaar ah oo ICE ah.

Sanadkan gudihiisa, ICE ayaa wadday olole ballaaran oo lagu qabanayo dadka sharci-darrada ku jooga Mareykanka, kuwaas oo qaarkood lagu hayo xarumaha xabsiyada socdaalka halka kalena loo diyaarinayo tarxiil.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa durba sheegay inay dareemayaan cabsi iyo walaac sii kordhaya, maadaama hawl-gallada noocan oo kale ah ay hore u keeneen xarig degdeg ah, kala geynta qoysaska, iyo xaalad bulsho oo kacsan.

Minnesota ayaa muddo dheer ahayd hoyga ugu ballaaran ee qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaana saameynta tallaabadan la filayaa inay si weyn ugu dhacdo bulsho ficil ahaan isku tiirsan, gaar ahaan qoysaska leh xubno kala sharci ah.

Mas’uuliyiinta ICE weli kama aysan hadlin tirada dadka la bartilmaameedsanayo, balse ilo wareedyo sharci-dejin ah ayaa sheegay in hawl-galladu noqon doonaan kuwo “goobo badan oo isku mar ka socda” — taasoo sare u qaadaysa baqdinta bulshada Soomaaliyeed ee gobolka.

Bulshada iyo u-doodaayaasha xuquuqda muhaajiriinta ayaa ku baaqaya in dadka ay saameyn karto ay la tashadaan qareenno sharci oo ku xeeldheer arrimaha socdaalka, maadaama hawlgalladan cusub ay ku imanayaan xilli xasaasi ah oo siyaasadeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this