Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir lagu soo bandhigayo hub casri ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1764683438007.webp?fit=1600%2C101

Qaahira (Caasimada Online) –  Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta ka qayb-galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025) oo lagu qabtay dalka Masar.

Bandhiggan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa ka dhacaya Xarunta carwada caalamiga ah ee Masar (EIEC) ee magaalada Qaahira.

Sidoo kale waxaa bandhigga ka qayb qaadan doono wufuud ka kala socota in ka badan 100 dal iyo ilaa 450- shirkadood oo ka mid ah hormuudka soo-saarka difaaca iyo amniga caalamka, iyada oo si rasmi ah u daah-furay Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Bandhiggan ayaa ah mid muhiim ah, waana midka keliya ee daboola labada gobol ee Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana lagu soo bandhigayaa tiknoolajiyad iyo qalab casri ah oo dhanka difaaca iyo amniga ah.

Dhanka kale, wafdiga Soomaaliya ayaa inta uu socdo bandhiggan kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb galaysa Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar, maadaama haatan labada dal ay leeyihiin iskaashi difaac oo wayn.

Ujeedka wada-hadalladan ayaa ah kuwa lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Masar ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah AS iyo sugidda amniga deegaannada la xoreeyay.

Labada dowladood ayaa hore u muujiyay inay ka go’an tahay adkeynta nabadgelyada gobolka, gaar ahaan ilaalinta Badweynta Hindiya iyo Badda Cas oo door muhiim ah ku leh isku socodka ganacsiga caalamiga ah.

FB_IMG_1764683440131.webp?resize=696%2C3 FB_IMG_1764683438007.webp?resize=696%2C4

The post Sawirro: Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir lagu soo bandhigayo hub casri ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this