Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda Cumaan oo booqday dekedda Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
1000089339.jpg?resize=1000%2C753&ssl=1

Wasiirka wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Shaakir Maxamed Guulled oo ay weheliyaan wasiirka wasaarada Maaliyada Puntland Maxamed Faarax, wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Cumar Cabdirishiid, wasiirka wasaarada Ganacsiga, Axmed Shire iyo Wasiir Dowlaha wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Siciid Maxamed Raage ayaa xalay Dekedda magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyay wafdi ka socda dawladda Cumaan, kuwaas oo magaalada Boosaaso u yimi ka qaybgalka daahfurka maxjarka Shaakir oo magaalada Boosaaso laga hirgaliyay.

1000089333.jpg?resize=1000%2C753&ssl=1

Wafdigaan ka socda dawladda Cumaan oo lasoo mariyay qaybaha kala duwan ee Dekedda magaalada Boosaaso ayaa bogaadiyay dib u dayactirka lagu sameeyay Dekedda iyo shaqada baaxada leh ee ka socota habeen iyo maalin.

1000089329.jpg?resize=1000%2C752&ssl=1

Wasiirka wasaarada Dekedaha iyo Gaadidka Badda Puntland Shaakir Maxamed Guulled ayaa dhankiisa uga mahadceliyay waftiga ka socda dawladda Cumaan booqasha ay ugu yimaadeen waxa uuna xusay in dawladda Cumaan iyo Puntland uu ka dhaxeeyo ganacsi qoto dheer oo muddo dheer soo socday, labadooda dhinacna ay ka wada shaqeyn doonaan hormarinta ganacsiga ka dhaxeeya iyo xoojinta iskaashiga dawladda Cumaan iyo Puntland.

PUNTLAND POST

The post Wafdi ka socda Cumaan oo booqday dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this