Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa beesha caalamka ugu baaqa

Recommended Posts

Deeq A.   

3587519b-2a05-4d08-93ac-6301d0d54027.jpg

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay qaadaan tillaabo lagu joojinayo hubka la siiyo maleeshiyaadka Sudan ee loo yaqaan RSF, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xasuuq uu ka dhacay magaalada el-Fasher.

Gabagabadii shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee G7 ee lagu qabtay dalka Canada, Rubio ayaa sheegay in RSF ay fulisay tacadiyo nidaamsan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi iyo xadgudubyo dhanka galmada ah oo loo geystay dad rayid ah.

Wadahadallo ka dhacay meel u dhow Niagara Falls, diblumaasiga ugu sarreeya Mareykanka wuxuu sheegay in haweenka iyo carruurta lagu bartilmaameedsaday falkii ugu naxariista darnaa ee ay RSF ka geysatay el-Fasher.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku gacan seyray sheegashada kooxdan xagjirka ah ee ah in dilka ay geysteen kooxo aysan jirin cid maamusha, isagoo sheegay in sheegashadaasi ay tahay mid aan run ahayn, weerarradana ay yihiin kuwo qorsheysan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this