Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimkii ugu horeeyay oo Loo doortay inuu noqdo Maayirka magaalada ugu weyn Mareykanka ee New York

Recommended Posts

Deeq A.   

Zohran Mamdani ayaa ku guuleystay tartanka lagu hoggaaminayo magaalada ugu weyn Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, Zohran ayaa noqonaya muslimkii ugu horeeyay ee Maayir ka noqda Magaalada ay ku noolyihiin 8.4 milyan oo qof, taasoo ah xarun dhaqaale iyo dhaqan oo leh magac iyo miisaan caalami ah.

Geesta kalena Haweenayda Ghazala Hashmi, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Virginia, waxay noqonaysaa haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah ee loo doorto xil heer-gobol ah gudaha Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this