Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa lagaga hadlay Shirkii maanta ee Golaha wasiirrada Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 40-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa lagaga wada hadlay 11 qodob oo muhiim ah:

????. ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????? ????????????????????-???????????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????.

Waxa ka war bixiyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame. Guddoomiyaha ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha nidaamka dib-habaynta, maamulka iyo maaraynta Shaqaalaha Dawladda, isaga faahfaahin ka bixiyey hanaanka xaqiijinta, sugidda iyo saxidda xogta shaqsiga ah ee xubinta Shaqaalaha Dawladda ee ku kaydsan Nidaamka loo yaqaan HRMIS. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in nidaamkan si buuxda loo tijaabiyey, wajigii kowaad ee dejinta, samaynta iyo hirgalinta nidaamka xaqiijinta iyo hubinta Shaqaalaha uu guul ku soo dhamaaday.

Gudoomiyaha ayaa Golaha Wasiiradda ku wargeliyey in ay Shaqaalaha ay maamulaan ku diyaariyaan goobta iyo goorta loo cayimay in lagu xaqiijiyo xogta shaqsiga ah oo sugan. Ugu danbayn, Gudoomiyuhu waxa uu Golaha Wasiirada la socodsiiyey Wareegtada Madaxweyanaha ee nuxurkeedu yahay nidaamka shaqaalaysiinta Shaqaalaha Dawaladda, hadda wixii ka dambeeyana ay hogaamin doonto Hay’adda Shaqaalaha Dawaladdu, iyada oo loo raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda iyo Xeer nidaamiyeyaasha ka farcama.

????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????? ????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Gobollada Dalka uu Amnigu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira lixda Gobol ee Dalka. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto degenaansho siyaasadeed, amni iyo xasillooni buuxda.

????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ????????????????????????????????????????, ???????????????????????????????????????? ???????????? ????????????????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi, isaga oo Golaha u sheegay dedaal badan oo ay samaysay Wasaaraddu gashay kadib, in hawlaha Dakhli ururintu Jan-Octobar ay u socdaan sidii loogu talo galay, iyada oo ay soo baxeen dhammaan Dakhligii lagu odorosay 10-kaa bilood.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in hawlaha Dakhli qabashada Qaranka ay Wasaaradda Maaliyaddu Qaranka JSL uga masuul tahay, sida ku cad Xeerka Dakhliga Guud iyo Cashuuraha (Xeer Lr. 72/2016) iyo Xeerka Maamulka Maaliyadda (Xeer Lr. 75/2016). Sidaa darteed, in loo baahan yahay in Dakhliga uu Sharcigu jideeyey ee ay Hay’adaha Dawladdu qabtaan si toos ah loogu shubo khasnadda Dawladda, kuwa kale ee aan sharci jidayna loo sameeyo sharciyaddii lagu xaqiijin lahaa.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu ay samaysay daraasado iyo sahanno lagu sugayo xogaha dhaqaalaha dalka, taasoo qayb ka ah dedaallada ay Wasaaraddu ugu jirto kobcinta dhaqaalaha Qaranka.

????. ???????????????????????????????? ???????????????? ???????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????? ????????????-???????????????????????????????????????????????????? ????????????’???????????????????? ???????????????????????????????????????? (???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ????????????????????????????????):

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, isaga oo sheegay in nidaamkani uu yahay hannaan casri ah oo lagu mideynayo laguna tayaynayoxogaha, wararka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee lagama maarmaanka u ah hab-sami u-socodka xog wadaagga iyo war-is-gaadhsiinta dhammaan Hay’adaha Xukuumadda.

Wasiirka Madaxtooyada JSL waxa uu Golaha la wadaagay; iyada oo laga duulayo saamaynta ay warbaahinta digitalka ahi ay ku leedahay nolosha bulshada; in ay daruuri tahay in la-isu-duwo, la qorsheeyo, la gorfeeyo, si joogto ahna loo wadaago xogaha Hay’adaha Xukuumadda, taasi oo horseedi karta in la helo Xukuumad hal ujeeddo leh, hal afna ku hadlaysa (A Government with ONE AIM, ONE VOICE!)

????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????? ???????? ????????????????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Abaaraha soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen caafimaadka, tirada iyo awoodda wax-soo-saarka Xoolaha dalka, gaar ahaan gobollada bariga iyo hawdka ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xoolaheenu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, balse nasiib darro isbeddelka cimilada iyo Abaarahu ay saamayn xun ku yeesheen nolosha Xoolaha.

Waxa hoos u dhacay miisaankoodii iyo tarankoodii, halka cudurrada la xidhiidha nafaqo-darradu ay sii kordheen. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirku waxa uu sheegay in ay daruuri tahay in Wasaaradda iyo Hay’adaha ay wada shaqeeynta leeyihiin ay hirgeliyaan Qorshe Qaran iyo barnaamijyo wax lagaga qabanayo nolosha Xoolaha ee sii adkaanaysa.

????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? ???????????????? ???????? ????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi, isaga oo Golaha Wasiirrada ugawarramay Xaaladda guud ee caafimaadka dalka, gaar ahaan saddexda cudur ee ugu sarreeya ee la soo sheegay; kuwaasi oo kala ah Gawracato (Diphtheria), Jadeecada (Measles) iyo Duumada (Malaria). Wasiirku waxa uu faahfaahiyey tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaaday, sida ololaha wacyigelinta, tallaalka, daawaynta deg-degga ah iyo kordhinta adeegyada caafimaadka heer gobol iyo heer degmo, si wax looga qabto faafitaanka cudurradan iyo ilaalinta caafimaadka guud ee bulshada.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan Gobollada dalka laga bilaabay Tallaalka Big-Catchup oo ay ka hawl galeen 533 team, 2130 qof oo ah shaqaale caafimaad, iyada oo la tallaali doono 182,000 oo carruur ah.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay horumar ka gaadhay adeegsiga Teknoolajiyadda Casriga ah sida: nidaamka la yidhaa: DHI2 HIV Tracker System iyo eIR Tracker System (electronic immunization registry).

????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha, Siciid Maxamed Buraale, isaga oo Golaha Wasiirrada siiyey warbixin mug leh oo ku saabsan Shirweynihii Maalgashiga Somaliland (Somaliland Investment Summit). Wasiirku waxa uu xusay guulaha waaweyn ee ka soo baxay, sida xiisaha ay muujinayaan maalgashadayaasha Shirka ka soo qayb galay, heshiisyada is-fahamka cusub ee la saxeexay, iyo fursadaha dhaqaale ee Qaranka u furmay, kuwaas oo kor u qaadi doona maalgashiga, shaqo abuurka iyo koboca dhaqaalaha dalkeena.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shirkii Maalgashiga Somaliland uu caddeeyey sida uu dalkeenu diyaarka ugu yahay maalgashi dhab ah iyo iskaashiga beesha caalamka, iyada oo Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay muujisay go’aankeeda ku aaddan Horumarinta Dhaqaalaha iyo fududaynta Maalgashiga.

????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL, Muddane Cali Jaamac Faarax, isaga oo Golaha Wasiirrada uga xog warramay xaaladda guud ee Kalluumaysiga Somaliland, gaar ahaan Xarumaha Baraf-dhaliyayaasha ee ku yaala magaalooyinka xeebaha. Wasiirku waxa uu xusay in ay kiciyeen dhowr Xarumood oo Baraf-dhaliyaal iyo Qaboojiye ah oo ku yaala Goballadda Sanaag iyo Awdal.Wasiirku waxa kale oo ka war bixiyey wafti ka socday Wasaaradda Kalluumaysiga ee dalka Yemen oo booqasho ku yimid Somaliland, iyo Qobadadii wada-shaqayneed ee ay isla af-garteen labada Wasaaradood. Wadahadalladan waxa hogaaminayey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sharmaarke Cabdi Muuse.

????. ???????????????? ???????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????? ???????????????????????????? ????????????:

Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, iyada oo Golaha warbixin mug leh ka siisay habka ugu habboon ee Qaran ahaan la iskugu xidhi karo Mashaariicda Nabadda iyo Siyaasadda Qaranka ee arrimaha Nabadda.

Wasiirku waxa ay iftiimisay muhiimadda ay Qaranka u leedahay in la helo nidaam mideeya qorshayaasha nabadeynta, horumarinta iyo Ajendaha guud ee Xukuumaddu ka leedahay Siyaasadda Nabadda Qaranka iyo midnimada ummadda Somaliland.

Wasiirku waxa ay dul istaagtay hadafka laga leeyahay Isku xidhka Mashaariicda Nabadda iyo Siyaasadda Nabadda ee Qaranka JSL:

1. In laga hortago khilaafaadka iyo rabshadaha.

2. In la xoojiyo kalsoonida bulshada iyo wada shaqaynta Dawlad iyo shacab.

3. In la abuuro nidaam caddaalad ah oo qof walba u siman yahay.

4. In la dhiso hay’ado awood u leh xallinta khilaafaadka.

5. In la dhiirrigeliyo waxbarashada iyo wacyigelinta nabadda.

6. In la xoojiyo xidhiidhka nabadeed ee dalalka jaarka ah iyo beesha caalamka.

????????. ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????????? ????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dib u Dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale, isaga oo Golaha Wasiirrada uga xog warramay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha dalku, isaga oo xusay in abaarahuvay si weyn u saameeyeen noloshooda, gaar ahaan helitaanka biyo, cunto iyo hoy ku filan. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu inta itaalkeeda ah ay wado dedaallo isugu jira gargaar degdeg ah, si loo yareeyo culayska nololeed ee haysta bulshada barakacayaasha, balse loo baahan yahay in arrintan laga yeesho talo Qaran.

????????. ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????? ????????????????????:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, waxana uu Golaha u sheegay in xaaladda Abaaraha ay sii adkaanayso, gaar Gobollada Bariga dalka oo ay jirto biyo yaraan aad baaxad weyn.

Wasiirku waxa uu sheegay in Guddida Gurmadka Abaaruhu ay qorshaynayaan in gurmad iyo gargaarba loo fidiyo bulshada reer Somaliland ee ay abaaruhu saameeyeen.

???????????????????? ???????????????????? ???????????? ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????? (????????????????), ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this