Sign in to follow this  
Deeq A.

CCW oo ka hadlay Soomaalida guusha u diidan Cumar Faatax

Recommended Posts

Deeq A.   
1000086445-scaled.jpg?fit=1000%2C800&ssl

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Soomaalida guusha u diidan Cumar Faatax oo ah oo wiil Soomaali ah oo musharrax u ah duqa Minneapolis.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ayaandaro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay wiilkaas libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kalena guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Cumar Faatax, hankiisa iyo heerka uu joogo wuxuu ku gaaray fursada taala dalka Maraykanka iyo qiyamka ku dhisan in qofka uu ku soo bixi karo karti, isku-kalsooni iyo soocnimada qofka uu yahay. Sidaa oo ay tahayna wuxuu ka soo tilaabay caqabo badan oo ka hiilinayey, sida isirka, diinta, nolosha qaxootinimo iyo in aanba isku dayga looga horaynin. Hadafkiisu waa gaarista himiladiisa Maayarka Minneapolis, ololehiisuna waa waxqabadka bulshada dooranaysa”.

“Libintiisu waxay dhiiragelinaysaa jiil isaga ka danbeeya ee isirka Soomaali ku abtirsada. Waase ayaandaro in dad Soomaaliyeed ay libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kale guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka” ayuu raaciyay.

Doorashada duqa Minneapolis ayaa dhacaysa maanta oo talaado ah, waxaana ku tartamaya afar musharax oo ay ugu cadcad yihiin Cumar Faatax iyo duqa hadda xilka ee Jacob Frey, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda xibsiga Dimuqraadiga.

PUNTLAND POST

The post CCW oo ka hadlay Soomaalida guusha u diidan Cumar Faatax appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this