Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Muslim ah oo ku guuleystay duqa New York

Recommended Posts

Deeq A.   
1000086703.webp?resize=800%2C450&ssl=1

Zohran Mamdani oo ah nin Muslim ah ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Zohran Mamdani oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa noqday duqii ugu horreeyay ee Muslim ah oo magaalada New York loo doorto, sidoo kale Mamdani oo 34 jir wuxuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee magaladaas mayar ka noqda muddo qarni ka badan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka soo horjeeday Mamdani, isagoo taageerayay guddoomiyihii hore ee gobolka New York, Andrew Cuomo oo si madax banaan u tartamayay.

Zohran Mamdani ayaa asal ahaan ka soo jeeda Hindida dalka Yugaandha, wuxuuna aad u taageeraa qadiyadda Falastiiniyiinta.

PUNTLAND POST

The post Nin Muslim ah oo ku guuleystay duqa New York appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this