Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaris madax-bannaan oo lagu sameeyay qalabka doorashada + Natiijada

Recommended Posts

Deeq A.   
guddoomiyaha-guddiga-doorashooyinka-cabd

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda caalamiga ah ee Certi Trust ayaa baaritaan madax-bannaan ku soo sameysay systemka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyada oo soo bandhigtay warbixin guud oo ay ku sheegtay in lagu kalsoonaan karo dhammaan qalabka doorashada ee guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in baarista lagu sameeyay qalabka ay ku timid, kadib dalab ka yimid qaar kamid ah ururada siyaasadda, si loo hubiyo hufnaanta doorashooyinka qof iyo codka ah.

“Waxaan howlgelinay Company madax bannaan oo naga siiyay inaan shaqa gelin karno qalabka doorashada, wuxuuna dalabkaas ka yimid ururrada siyaasadda qayb kamid ah waxayna dalbadeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qalabka oo laba qaybood ah qaybta diiwaangelinta iyo qaybta xaqiijinta qofka diiwaangashan” ayuu yiri Cabdikariin.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shirkadda sameysay baarista ay kusoo baxday imtixaan, isla markaana natiijada ay ku gaareeyn guul wayn oo la taaban karo.

“Labada qaybood waxaan u magacownay Company oo kasoo baxay saddex shirkadood oo aan tartan siinay, waxaana maanta ku guuleysanay in ummadda Soomaaliyeed aan usoo bandhigno natiijada” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay muddada ku dhow sanadka ee ay ka shaqeynayeen howlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta dadweynaha, isaga oo sheegay inay ka gaareen horumar la taaban karo.

“Walaalayaal haddii aan nahay Guddiga Madaxa bannaan Doorashooyinka iyo Sohdimaha 11 bilood ayaa noo dhammaatay waxaa noo hirgalay inaan darbiyo fara badan jabino oo ay ugu horreyso inaan diiwaangelinay ururro kor u dhaafayo lixdan” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Qaranka, Mudane Maxamed Cali Coloow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in lagu kalsoonaan karo guddiga iyo system-kaba.

“Maanta waxaa xaqiiq noqotay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu yahay guddi lagu kalsoonaan karo systemka diiwaangelinta codbixiyeyaasha kadib markii baaris madax-banaan lagu sameeyay” ayuu isna yiri Maareeye Maxamed Cali Coloow.

The post Baaris madax-bannaan oo lagu sameeyay qalabka doorashada + Natiijada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this