Deeq A. Posted 4 hours ago Kuala Lumpur (Caasimada Online) — Waxaa sii kordhaya walaaca dhinaca amniga ee Malaysia, kaasi oo ka dhashay hawlgallo la sheegay in sirdoonka Israel ee Mossad ay ka fulisay dalkaas, kuwaas oo isugu jiray xarig heersare ah, hawlgallo qarsoodi ah, iyo weerarro dhinaca internet-ka ah, arrimahaas oo heegan sare geliyay hay’adaha ammaanka ee qaranka. Dhacdooyinkan ayaa sii huriyay walaaca laga qabo suurtagalnimada in sirdoonka Israel ay soo dhex galeen dalkaas, taasoo keentay in booliiska iyo saraakiisha dowladda ee waddankan oo ah mid ay Muslimiin u badan yihiin, ay si dhow ula socdaan xaaladda. Dalka Malaysia xiriir diblomaasiyadeed lama laha Israel. Kiiska ugu caansan ayaa la soo gabagabeeyay Febraayo 2025. Muwaadin u dhashay Israel oo lagu magacaabo Shalom Avitan ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xarig ah, ka dib markii uu qirtay eedeymo la xiriira hub haysasho. Avitan, oo 39 jir ah, ayaa la xiray March 27, 2024, isagoo ku sugnaa hoteel ku yaal Kuala Lumpur. Wuxuu Malaysia ku soo galay baasaboor Faransiis ah, waxaana laga helay lix bistooladood iyo 200 oo xabbadood oo rasaas ah. Xarigiisa ka dib, Taliyaha Guud ee Booliiska Razarudin Husain ayaa sheegay in hay’adaha ay baarayaan suurtagalnimada basaasnimo. Taliyaha booliiska ayaa xusay in Avitan uu “halis” ku noqon karo madaxda Malaysia ama xubnaha Xamaas. In kasta oo warbaahinta Israel ay ku warrantay in Avitan uu ahaa xubin ka tirsan burcad dambiilayaal ah oo beegsanayay qof ay is hayaan, haddana maxkamadaha Malaysia way sii wadeen dacwadda. Qirashada dambiga ee Avitan ee Febraayo 26, 2025, waxay horseedday xukunka toddobada sano ah. Qareenkiisa ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in xukunku uu ka bilaabanayo taariikhdii la xiray ee March 2024. Dhowr qof oo u dhashay Malaysia, oo ay ku jiraan lamaane isqaba, ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad ku saabsan in la sheegay inay hubka siiyeen Avitan. Booliisku waxay sheegeen in hubka laga soo galiyay dalka Thailand. Soo dhex-galka Israel ee Malaysia Kiiska Avitan waa kii ugu dambeeyay ee silsilad hawlgallo ah oo looga shakisan yahay in Mossad ay ka fulisay gudaha Malaysia, kuwaas oo walaac geliyay saraakiisha. Bishii Oktoobar 2022, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Malaysia ayaa shaaca ka qaadday in sirdoonka Mossad ay u adeegsadeen muwaadiniin reer Malaysia ah fulinta qafaalasho. Sida ay ku warameen wargeyska New Straits Times iyo taleefishinka Al-Jazeera, kooxda hawlgalka fulisay waxay September 28 afduubteen barnaamij-sameeye Falastiini ah oo ka yimid Gaza. Waxaa lagu magacaabay Cumar al-Balbaisi. Nin kale oo Falastiini ah ayaa baxsaday oo booliiska ku wargeliyay. Warbixintu waxay sheegtay in ninka la geeyay guri dalxiis, la garaacay, lagana wareystay muuqaal fogaan arag ah, iyadoo ay wareysanayeen rag la rumeysan yahay inay yihiin Israa’iiliyiin. Ragga wax wareysanayay ayaa la sheegay inay al-Balbaisi wax ka weydiiyeen xiriirka lagu eedeeyay inuu la leeyahay Xamaas iyo khibraddiisa dhinaca jabsiga internet-ka. Tan waxaa ka mid ahaa guul la sheegay inuu ka gaaray jabsiga nidaamka difaaca gantaalaha Israel ee loo yaqaan Iron Dome sanado ka hor. Sirdoonka Malaysia, oo la sheegay inay kaalmo ka helayeen Turkiga, ayaa soo badbaadiyay al-Balbaisi 24 saac ka dib. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Falastiin ayaa si fagaare ah ugu mahadcelisay hay’adaha Malaysia kashifaadda “unugga Mossad.” Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu soo waramayaa inay daaha ka rogeen in unuggaas uu sidoo kale basaasayay garoomada diyaaradaha iyo shirkadaha elektaroonigga ah ee dowladda. Malaysia, oo si weyn u dhaliisha siyaasadaha Israel, wax xiriir diblomaasiyadeed ah lama laha Israel, waxaana ku nool ilaa 600 oo qaxooti Falastiini ah, sida ay sheegtay hay’adda UNHCR. Sanadkii 2018, injineer Falastiini ah oo lagu magacaabi jiray Fadi al-Batsh ayaa lagu toogtay magaalada Kuala Lumpur, dilkaas oo ahaa shirqool ay Xamaas ku eedaysay Mossad. Israel way beenisay eedeyntaas. Dilkii al-Batsh ee 2018, oo ahaa injineer koronto oo 35 jir ah, ayaa weli ah tixraac muhiim ah oo loo aaneeyo walaaca amni ee hadda jira. Al-Batsh waxaa dilay labo nin oo bistoolado ku hubeysan oo mooto watay, xilli uu u socday salaadda subax. Garabka militariga Xamaas ayaa sheegtay inuu ahaa xubin iyo taliye ka tirsan. Wasiirkii difaaca Israel ee xilligaas, Avigdor Lieberman, wuxuu beeniyay inay Mossad ku lug lahayd. Laakiin wuxuu sheegay in al-Batsh uu ahaa khabiir ku takhasusay gantaalaha uuna ahayn “qof quman.” Weerarrada Internet-ka iyo walaaca dadweynaha Indha-indheyntan muuqata ee Israel ee Malaysia waxay soo gaartay dhinaca internet-ka. Xarunta Isku-dubbaridka iyo Taliska Internet-ka Qaranka (National Cyber Coordination and Command Centre) ee dowladda ayaa mowjad weerarro internet ah la xiriirisay mawqifka siyaasadeed ee Malaysia ee ku aaddan dagaalka Gaza. Shirkadaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin shirkadda weyn ee isgaarsiinta ee Maxis, shirkadda saliidda timirta ee Aminia, iyo xarunta gobolka ee shirkadda weyn ee teknoolajiyadda ee Dell. Hawlgalladan looga shakisan yahay Mossad ee Malaysia waxay ka ballaarteen beegsiga jireed waxayna u gudbeen mid dhijitaal ah. Dhacdooyin yaryar ayaa sidoo kale kiciyay walaaca dadweynaha. Bishii Oktoobar 2025, booliiska magaalada Malacca waxay baareen gaari nooca raaxada ah oo ay ku dheggan tahay istiikar ku qoran afka Cibraaniga. Istiikarka waxaa ku qornaa “Malaysia waa dhulkeenna hooyo.” Darawalka oo ah 59 jir reer Malaysia ah, wuxuu sheegtay inuu istiikarka iibsaday 13 sano ka hor. Wuxuu sheegay inuu beddelay qoraalkii asalka ahaa oo ahaa “Israel” una beddelay “Malaysia.” In kasta oo ay hay’aduhu raadinayeen khubaro ku xeel dheer luqadda, hadana dhacdadan waxay muujisay shaki badan oo dadweynaha ka dhex dhashay. Dowladda ayaa si taxaddar leh ula tacaalaysa arrintan. Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim ayaa bishii Juun 2024 sheegay in Mossad-ka Israel ay ka dhex shaqeyso dalka iyadoo soo mareysa shabakado tahriibiya hubka iyo mukhaadaraadka, sida ay warbaahintu tebisay. Wuxuu xusay in qaar ka mid ah muwaadiniinta loo adeegsaday basaasnimo. Si kastaba ha ahaatee, saraakiishu waxay ka cabsi qabaan in hadal haynta xad-dhaafka ah ee warbaahinta ay kicin karto argagax ama ay wiiqi karto xasiloonida gudaha ee dalkan oo ay kuwada nool yihiin qowmiyado kala duwan. Ilo dhinaca amniga ah ayaa sidoo kale ka digay dadka badan ee soo galootiga iyo qaxootiga ah ee dalka ku nool oo kor u dhaafaya 3 milyan. Qaar badan oo ka mid ah waxay la kulmaan xaalado dhaqaale oo liita waxayna “u nugul yihiin in la askareeyo.” In kasta oo uusan jirin xiriir diblomaasiyadeed, labada dal waxay leeyihiin ganacsi yar oo qarsoodi ah. Si kastaba ha ahaatee, Malaysia waxay bishii Diseembar 2023 shirkadda maraakiibta Israel ee Zim ka mamnuucday dekeddeheeda. Dowladdu waxay sii waddaa inay ku baaqdo in Israel laga saaro Qaramada Midoobay, iyadoo ku sababeynaysa ku xadgudubka sharciga caalamiga ah. The post Sirdoonka Mossad oo gilgilay Malaysia – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites