Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida jaamacaduhu dib ugu qeexayaan wax ku barashada Garashada Sancaysan

Recommended Posts

Deeq A.   
1000083533.jpg?resize=663%2C604&ssl=1Micheal Crow: “Jaamacadaha si xeeladaysan u adeegsada Garashada Sancaysan waxay noqon doonaan kuwa hoggaamiya mustaqbalka tacliinta sare.”

Minnesota (Wararka PP) — Isbeddel weyn ayaa ka socda jaamacadaha adeegsiga Garashada Sancaysan (Artificial Intelligence) awgiis. Guddoomiyaha Jaamacadda Gobolka Arizona (ASU) Micheal Crow ayaa sheegay in Garashada Sancaysan (AI) ay noqotay wax saamayn badan ku leh tacliinta sare iyo qiimeynta ardayda.

Barnaamijyada ay Garashada Sancaysan ku salaysan tahay waxay u oggolaanayaan ardayda inay si degdeg ah wax u baran karaan, u heli karaan jawaab-celin, iyo in barashadooda lagu saleeyo baahidooda gaarka ah.

GridArt_20251029_174051347.jpg?resize=10

Arrintani waxay beddeli doontaa habkii hore oo uu hal bare wax u bari jiray arday badan. “Barayaashu wax ma bari doonaan oo keliya ardayda, waxay kale oo ku hagayaan ardayda habab arday kasta uu si gaar ah wax ugu baranayo” ayuu yiri Micheal Crow.

Jaamacadaha waxaa soo foodsaaraya caqabado ay ka mid yihiin: dib-u-habeynta manhajka, tababbarka barayaasha iyo dhowrista in si anshax leh loo adeegsado Garashada Sancaysan.

Micheal Crow wuxuu Intaas ku daray in jaamacadaha si xeeladaysan u adeegsada Garashada Sancaysan ay noqon doonaan kuwa hoggaamiya mustaqbalka waxbarashada, halka kuwa diida adeegsiga Garashada Sancaysan noqon doonaan kuwo dib u dhici doona, hase ahaatee guusha laga gaaro u adeegsiga Garashada Sancaysan tacliinta sare “waxay ku xiran tahay sida habboon oo loo fuliyo loona dhowro kaalinta aadanuhu ku leeyahay waxbarashada” ayuu yiri Micheal Crow.

© Puntland Post, 2025

The post Sida jaamacaduhu dib ugu qeexayaan wax ku barashada Garashada Sancaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this