Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay rag Boosaaso lagu xiray iyo kuwa lagu raad-joogo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000083521.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Gudoomiyaha gobalka Bari Cabdirisaaq Siciid Shaahdoon ayaa ka hadlay rag lagu xiray magaalada Boosaaso iyo kuwa kale oo lagu raad-joogo, kuwaas oo ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Guddoomiye Shaahdoon ayaa sheegay in ay xireen rag xirtay wadada halbowlaha ah ee isku xirta Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay in ay sheegteen qaadwadayaal, hase ahaatee aysan jirin wax ruqsad ah oo ay haystaan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ragaas xiran sharciga la marin doona oo maxkamad la horgeyn doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku daba jiraan dadka la shaqeeya Daacish iyo Al-shaab, kuwaas oo dhowr jeer cafis loo firiyay , hase ahaatee ka dhaga adaygay oo weli la shaqaynaya kooxaas.

Guddoomiye Shaahdoon ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan rag ganacsato waaweyn ah oo ka ganacsada hubka, kuwaas oo uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka hadashay rag Boosaaso lagu xiray iyo kuwa lagu raad-joogo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this