Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabad kulminaysa muxaafidka iyo muraacidka Soomaaliya oo ka dhacaysa Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   
1000083688.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Magaalada Carta ee dalka Jabuuti waxaa maanta ka dhacaysa munaasabad weyn oo lagu xusayo shirkii Soomaalida ee Carta, kaas oo hadda laga joogo rubuc qarni.

Munaasabada oo ay soo qabanqaabisay dowladda Jabuuti waxaa ka qaybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya, madaxdii hore ee dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galinkii dambe gaaray Jubuuti, si uu uga qaybgalo munaasabadaas. Sidoo kale madaxdii hore ee dalka oo qaarkood hadda mucaarid yihiin iyo madax dhaqameed badan ayaa labadii maalin ee u dambeeyay gaaray dalkaas.

Shirkii Carta ee 2000 waxaa lagu dhisay dowladdii kumeelgaarka oo uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, taas oo ahayd dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah loo aqoonsado tan iyo 1991-dii.

PUNTLAND POST

The post Munaasabad kulminaysa muxaafidka iyo muraacidka Soomaaliya oo ka dhacaysa Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this