Deeq A. Posted yesterday at 07:55 AM Asmara (Wararka PP) — Madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonta shan maalmood, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sii wanaajinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee muhiimka u ah labada dal. Madaxweyne Isaias iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ka qeybgali doona 1-da Noofeember munaasabadda furitaanka Madxafka Weyn ee Masar. Wafdiga Madaxweynaha Ereteriya waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, Cismaan Saalax. Safarka uu madaxweyne Isaias Afwerki ku aaday dalka Masar ayaa ku soo aaday, xilli ay jirto xiisad u dhexeysa dalkiisa Ereteriya iyo Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa talaadadii farriin adag u diray dalka Ereteriya, wuxuuna mar kale ku celiyay in aanay Itoobiya wax qorshe ah ka lahayn dagaal dhex mara iyaga iyo Ereteriya. Abiya wuxuu ugu baaqay Ereteriya in aysan noqonin wax uu ku sheegay ‘xabbad-gudbiyayaal’ ee ay noqdaan dal, isagoo intaas ku daray in aysan Itoobiya dagaal waqti u hayn oo ay ka shaqaynayso mashaariic balaayiin doolar ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Ereteriya oo u safray Masar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites