Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo lala galay Qatar iyo Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   
1000083766.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ku meelmariyey xeerka qoondada miisaaniyadda 2026.

Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka.

Sidoo kale Golaha ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.

Dhanka kale shirka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiisyo lala galay Qatar iyo Uganda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this