Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirrada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000083801.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Garowe (Wararka PP) — Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.

Shirka golaha wasiirrada Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay amniga guud, tayeynta booliska, hawlgalka ciribtirka argagixisada iyo dib-u-dejinta & xasilinta deegaannada hawlgalku ka dhacay ee Calmiskaad.

1000083802.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay dardargelinta dimuqraadiyadda iyo dhameysyirka shuruucda doorashooyinka, arrimaha shaqaalaha iyo daryeelka naafada Puntland.

Golaha ayaa boggaadiyay todobaadka dalxiiska Puntland, oo sanadka lagu qabtay gobolka Bari, kaasi oo shalay ka bilowmay deegaan dal-xiiseedka Mareero ee duleedka Boosaaso.

Golaha ayaa warbixin ka dhegaystay, wasaaradaha cadaaladda, arrimaha gudaha, amniga, caafimaadka, xanaaannada xoolaha, deegaanka iyo gargaarka & mareeynta masiibooyinka.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirrada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this