Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo la kulmay guddiyo ka jira gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
1000084402.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay guddiyada nabadgelyada, horumarka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta amniga iyo horumarinta gobolka Nugaal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha xukuumadda, la-taliyaha amniga ee madaxweynaha, taliyaha guud ee ciidanka booliska, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddiyada Nabadgelyada, Horumarka iyo Arrimaha bulshada ee Gobolka Nugaal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyaha Amniga ee Madaxweynaha, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, ayaa looga hadlay adkeynta Amniga iyo horumarinta Gobolka Nugaal” ayaa la raaciyay.

1000084382.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 1000084383.jpg?resize=1000%2C683&ssl=1 1000084385.jpg?resize=1000%2C692&ssl=1 1000084391.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 1000084392.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 1000084386-1.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 1000084390.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1000084400.jpg?resize=1000%2C870&ssl=1 1000084399.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1 1000084403.jpg?resize=1000%2C926&ssl=1 1000084404.jpg?resize=1000%2C865&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo la kulmay guddiyo ka jira gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this