Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee arrimmaha dibedda Soomaaliya oo Boosaaso ku eedeeyey kaalin inay ku leedahay colaadda Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   
1000084479.jpg?resize=741%2C486&ssl=1

Boosaaso (Wararka PP) — Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdisiciid Muuse Cali oo maqaal qoray ayaa ku dooday in 2025, diyaarado ay si joogto ah uga duulayeen Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) kaddibna ku hakanayeen Boosaaso iyagoo u sii socda Liibiya iyo Suudaan.

Duulimaadyadani ayaa lagu tilmaamay inaysan ahayn safarro ganacsi caadi ah, waxay u ekaayeen waddo qorshaysan oo hub loogu rarayo kooxda RSF ee Suudaan oo lagu eedeeyey inay dhowaan xasuuq ka geysatay Alfasher iyo qeybi ka mid Daafuur. 

Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa maray hawada iyo gegi diyaaradeed ku taalla Soomaaliya. “Haddii dawladda Soomaaliya ay siisay oggolaansho duulimaadyadan, taasi waxay muujin kartaa xilkasnimodarro ama ka qaybqaadasho toos ah oo lagu caawinayo ciidan dembiyo ka geysanaya Suudaan, ayuu ku dooday Cabdisiciid. Imaaraadku wuu beeniyay eedaynta. 

Cabdisiciid wuxuu ku baaqay in dawladda Soomaaliya ay baaritaan samayso si loo ogaado cidda oggolaatay duullimaadyadaas, lana hubiyo dhammaan duullimaadyada xamuulka tan iyo bartamihii 2025. Haddii ay caddaato in Soomaaliya ay kaalin ku leedahay rarista hubka, waxaa soo foodsaari doona cunaqabatayn caalami ah, ciqaab dhaqaale iyo inay wayso kalsoonida caalamka, sida Cabdisiciid ku dooday.

© Puntland Post, 2025

The post Wasiirkii hore ee arrimmaha dibedda Soomaaliya oo Boosaaso ku eedeeyey kaalin inay ku leedahay colaadda Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this