Deeq A. Posted October 29 ย ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa ka mid ahaa: ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga dalka, isaga oo xusay in amnigu guud ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira Dalka JSL, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada. Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in guud ahaanba 6-da Gobol ee Dalka JSL ay ka jirto deggenaansho siyaasadeed oo buuxda. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ ๐๐๐๐จ: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab). Wasiirka oo ka mid ahaa Guddidii Gudaha Wasiirrada ee Madaxweynuhu u diray arrinta Gogosha Nabadda ee Ceerigaabo, ayaa si qoto dheer uga xog warramay heerarka kala duwan ee ay Gogosha nabaddu soo martay, carqaladaha ay la kulmeen iyo qaabka ay uga gudbeen, hannaanka ay isula jaan-qaadeen Xubnihii ka socday Xukuumadda, Xildhibaanada Qaranka, Guddida Nabadda iyo Xubnihii uu soo xulay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Wasiir Cismaan Afgaab waxa kale oo uu Golaha uga xog warramay kulammadii ballaadhnaa ee ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag, isaga oo hoosta ka xarriiqay sidii milgaha lahayd ee guud ahaanba Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka, Hoggaanka Dhaqanka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhallinyarada ay uga qayb qaateen Nabadda iyo walaalaynta bulshada wada degta Ceerigaabo. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddi ahaan ay soo gudbin doonaan Warbixin qoto dheer iyo talo-bixin la xidhiidha qaabka ugu habboon iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo adkeeyo nabadda iyo wadajirka bulshada Gobolka Sanaag. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaarada Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha JSL, Mudane Siciid Maxamed Buraale. Wasiirku waxa uu Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha qabashada Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Somaliland, oo 02 ilaa 03 November, 2025-ka lagu qaban doono Caasimadda Hargeysa. Wasiirku waxa uu Golaha u sharaxay ujeedooyinka, muhiimadda iyo qorshaha guud ee laga leeyahay Shirweynaha, isaga oo tilmaamay in arrintani ay tahay fursad muhiim ah oo lagu soo bandhigayo khayraadka dalka iyo fursadaha maalgashi ee laga heli karo Somaliland; kuwaasi oo la doonayo in ay soo jiitaan maalgashadeyaasha gudaha iyo dibedda. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in Shirweynuhu diiradda saari doono Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Warshadaha gudaha, khayraadka dabiiciga ah sida Macdant, Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo suuq-geynta fursadaha ganacsi ee yaalla Somaliland, si loo kobciyo dhaqaalaha qaranka loona abuuro shaqooyin badan oo dhalinyarada ah. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ฐ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac. Wasiirku waxa uu Golaha Wasiirrada siiyey warbixin kooban oo ku saabsan hab-sami u-socodka Carwada Teknoolajiyadda Somaliland, taas oo si guul leh uga socota caasimadda Hargeysa. Wasiirku waxa uu sheegay in Carwadu ay si habsami leh u socoto, isla markaana ay qayb ka yihiin dhammaan daneeyayaasha Teknoolajiyadda, Jaamacadaha dalka, Shirkadaha ICT-ga ee dalka, Hayโadaha Dawladda, Ganacsatada iyo Dhalinyarada hal-abuurka leh, kuwaasi oo soo bandhigay horumarka iyo hal-abuurrada dhinaca teknoolajiyadda ee dalka ka jira. Wasiirku waxa uu xusay in tartankii dhallinyarada ee xagga hal-abuurka tiknoolajiyadda casriga ah uu si wanaagsan u socdo, cidda ku guulaysata kaalinta koowaad-na la siin doono Abaal-Marin Madaxweyne oo uu guddoonsiin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. ๐. ๐๐๐ฒ๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฒ๐จ-๐ช๐จ๐ซ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ซ๐๐ก๐ (๐๐๐ฒ๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐-๐๐๐): Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax: Wasiirku waxa uu Golaha Wasiiradda siiyey warbixin guud iyo muuqaal guud oo la xidhiidha sababta loo curiyey Siyaasadda Dhallinyarada ee hortooda taalla. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Curinta Siyaasadda Qaranka ee Dhallinyarada ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhiirri gelinaysa horumarka Dhallinyarada JSL, isla markaana qeexaysa istiraatiijiyaddii lagu dhaqan gelin lahaa Siyaasaddan iyada ah. Wasiirku waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay si buuxda u soo akhriyaan nuqulka Siyaasadda, nuxur ahaan iyo ujeeddo ahaana ay ku soo daraanwixii ay u arkaan muhiim. ๐. ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐: Fadhigii 39-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu ansixiyey Xeerka Kalluumaysiga JSL, kaasi oo noqonaya Xeerkii 7-aad ee ay ansixiyaan Golaha Wasiirradu muddadii ay jirtay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Madaxweynaha ayaa Xeerkan geliyay cod gacan taag ah. Golaha waxa fadhiyey 39 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada; 37 Xubnood ayaa u codeeyey Xeerka, hal xubin ayaa diiday, halka hal xubina uu ka aamusay. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News Share this post Link to post Share on other sites