Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Muuse Suudi oo shaaciyay xad-gudub xun oo ku socda reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Suudi.jpg?fit=960%2C864&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xuquuqda gobolka Banaadir, xilli uu ka qayb-galayay dood culus oo ka dhacday xarunta Golaha.

Muuse Suudi oo ka hadlayay aragtidiisa ku aadan hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka oo maanta akhrinta labaad ay mariyeen xubnaha Aqalka Sare ayaa soo hadal qaaday arrinta maqaamka Muqdisho iyo xuquuqaadka kale ee ka maqan dadka gobolka Banaadir.

Senatorka ayaa caddeeyay in reer Muqdisho, si weyn loogu xad-gudbay, isla markaana la dudsiiyay xuquuqdooda, waxuuuna sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha sharciga, gaar ahaan maxkamadaha oo uu qiray in lagu bahdilo shacabka ku dhaqan caasimada.

“Gobolka Banaadir xad-gudub xun ayaa ku socda dhaqaalihiisa ayaa la iska guranayaa, Haddii qof maxkamad la geeyo cid difaacdo ma jirto waa la baah-dilayaa mana qaadaneyno” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowlad-goboleedyadu ay mar walba u doodaan dadkooda, isla markaana ay qareenno u qabtaan, balse reer Muqdisho, aysan lahayn metalaad, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii dowlad-goboleedu  dadkooda dambiyo galaan Xamar ay joogaan qareen ayaa loo qabanaa lacagtana waa laga bixinaa laakiin kuwa gobolkan Banaadir deggan xuquuq maleh, inta kalena xuuq ayay leedahay” ayuu mar kale yiri Senatorku.

Waxaa kale oo uu Senatarku ku maah maahay” Waxaa la yiri ninkii geeda tiriyay ee Yaaq ka tegay waxba ma tirin”.

Muuse Suudi Yalaxow oo caan ka ah Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa inta badan u dooday xuquuda gobolka Banaadir, isaga oo marar badan doodo ka galay sidii loo heli lahaa maqaanka caasimada oo weli maqan, taas oo ilaa & hadda ay ka taagan tahay doodc culus.

The post Senator Muuse Suudi oo shaaciyay xad-gudub xun oo ku socda reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this