Deeq A. Posted 17 hours ago Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga deegaanka Dagaalka ayaa si gaar ah uga qarxay inta u dhexeysa deegaanada Maraayo iyo Baalaldheer waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo xaganaa uu yimid, kadib markii markii mid kamid ah maleeshiyaadka is haya ay weerar qaadeen, kadibna uu sidaas ku bilowday dagaal toos ah oo saacado qaatay, kaas oo saameyntiisa laga dareemay qaybo kamid ah gobolka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada beel ayaa isku haysta dhul daaqsimeed iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo horay uga dhacay deegaannadaasi. Xaaladda aya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi dib uga qarxay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Galgaduud ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada iyo dilalka salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana ugu dambeysay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday agagaarka deegaanka Raxan-reeble, kadib markii halkaasi maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay. Eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada Galmudug, waxaana haatan maxkamadeyntooda ay ka socotaa Dhuuamareeb. Si kastaba, Gobollada dhexe oo ay ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka ka dhaca dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay gobolladaasi. The post Faah-faahinta dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites