Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta ugu weyn ee is-beddelka amni ee Muqdisho ee cabsi gelisay Shabaabka

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpeg?fit=1620%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ayaa ku guuleystay in ay kaamirooyinka ku baahiyaan meel walba oo magaalada Muqdisho ah, iyadoo loo adeegsanayo arrimaha amniga la xiriira.

Kaamirooyinka CCTV-ga ayaa lagu xiray dhammaan waddooyinka magaalada, goobaha ganacsiga iyo xaafadaha, iyadoo dhowrkii guriba oo la deggan yahay ay mid ka mid ah ku xiran tahay kaamiradaas.

Laamaha amniga ayaa kaamirooyinkan u adeegsada tixraaca ugu weyn marka ay wax dhacaan magaalada, si looga jawaabo falalka ka dhanka ah amniga ee ka dhaca magaalada, laakiin kaamirooyinka ayaan weli gaarsiisneyn heerka ka hortagga ee weerar dhici rabo, taasna waxay ku iman kartaa haddii hay’adaha ammaanka ay sare u qaadaan heerka feejignaantooda.

Marka la eego dal sida Soomaaliya oo kale ah oo weerarrada argagixisada ay ku badan yihiin, waxaa la dhihi karaa waa horumar weyn oo laga gaaray in Muqdisho laga hirgeliyo hannaanka CCTV-ga.

Kaamirooyinka ayaa gacan ka geysanaya in ciidamada amniga ay daba joogaan maleeshiyada Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka, isla-markaana ku foogan in ay carqaladeeyaan amniga magaalada ugu weyn ee dalka.

Shabaabku ayaa dhowr sano ka hor isku dayay in ay meesha ka saaraan hindisaha Maamulka Gobolka Banaadir oo Villa Somalia ay gadaal ka taagan tahay, ee ahaa in kaamiro laga heli karo meel walba oo Muqdisho ah, ka dib markii ay qarxiyeen meelo badan oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV-ga, oo ay u arkayeen caqabad ka dhan ah hawlgaladooda magaalada.

Shabaabku ayaa ku guuldarreystay in ay fashiliyaan hindisahaasi, ka dib markii laamaha amniga ay sharci ka dhigeen in dadku ay xirtaan kaamirooyinka, iyadoo aan loo joojinayn cabsigelinta shacabka uga imanaysa maleeshiyadaasi.

Dadka reer Muqdisho ma ay dhageysan hanjabaadaha Al-Shabaab, waxayna ku dhiirradeen in, iyaga oo fulinaya amarka Dowladda Hoose ee Xamar, ay xirtaan kaamirooyinkaasi, taasoo guuldarro istaraatiiji ah ku noqotay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaallama, waana farriin ay dadku ku muujiyeen in Shabaabku aanay la dagaalami karin shacabka oo dhan.

Labadii sano ee la soo dhaafay, markii la ballaariyey qorshaha hirgelinta ee kaamirooyinka, ayaa si weyn hoos ugu dhaceen weerarradii ay Shabaabku ka geysanayeen magaalada.

Maadaama ay maleeshiyada Shabaabku u badan yihiin kuwo isqariya, isla-markaana aan doonayn in wajiyada la aqoonsado, ayaa waxay taasi ku riixday in ay gaabsadaan, sababtoo ah waxay ka warqabaan inaysan magaalada isku dhex qarin karin, haddii ay joogteeyaan weerarrada ay ka geysanayaan, inkastoo marar dhif ah ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan magaalada dhexdeeda.

Inkasta oo isbeddelka amni ee ka jira Muqdisho ay door weyn ka qaadanayaan Ciidanka Dharcadka ee aad loo kordhiyey iyo ciidamada oo adkeeyay kantaroollada laga soo galayo magaalada, haddana kaamirooyinka ayaa noqday isha ugu muhiimsan ee laga la socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira magaalada, gaar ahaan marka ay wax ka dhacaan.

Kaamirooyinka loogama maarmi karo si laamaha amnigu u helaan xogaha dhacdooyinka ka dhaca meelaha aysan ciidamadu ku sugnayn, iyadoona muuqaallada ay kaamirooyinka duubaan laga helo macluumaad dheeraad ah, isla-markaana ay mararka qaarkood adag tahay in goobjoogayaasha ay laamaha amniga la wadaagaan faahfaahinta sida ay wax u dhaceen; laga yaabee in dadka qaar ay sidaasi u yeelayaan kalsooni aysan ku qabin ciidamada ama ba inay uga cabsanayaan amnigooda.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xilliyada qaarkood ay kaamirooyinku qabtaan ayaa noqda il laga tixraaco fal-dambiyeedyo ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, taasoo keenta in muddo yar ka dib loogu maxkamadeeyo, iyadoo la adeegsanayo caddeymaha muuqaalladii ay kaamirooyinku qabteen.

Kaamirooyinka ayaa xitaa meesha ka saaray ama ba ay xakameeyey dhacii faraha badnaa ee ay kooxaha burcadda ka gaysanayeen dukaamada, kuwaas oo ka baxsanaya in la aqoonsado, bacdamaa ay ogyihiin in hadhow laga soo daba geli doono.

Kaamirooyinka ayaa sahla ama fududeeya meelo ay laamaha amniga ka bilaabaan baaritaankooda, marka ay falal liddi ku ah amniga ka dhacaan magaalada.

Saraakiisha ayaa marka ay dib u daawadaan muuqaalladii ay kaamirooyinka duubeen ka hela dhaqdhaqaaqyada, ka hor iyo ka dib-ba, ee meelihii ay wax ka dhaceen.

Hay’adaha ammaanka iyo dadka reer Muqdisho ayaa kaamirooyinka u arka mid faa’iido u leh badbaadada naftooda iyo hantidoodaba. Dhammaan kaamirooyinkan ayaa laga maamulaa hal goob, taasoo ah Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Muqdisho.

The post Sababta ugu weyn ee is-beddelka amni ee Muqdisho ee cabsi gelisay Shabaabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this