Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen iyo shakiga ka dhashay Saacid

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-iyo-Lafta-gareen.jpeg?fit=2500%2C1

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf muddo si hoose u kar-soomayay oo u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa toddobaadkii tegey soo ifbaxay.

Arrintani waxay ka dhigan tahay in Villa Somalia uu haatan khilaaf kala dhexeeyo saddex ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada: laba ay si cad isu hayaan oo kala ah madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyo khilaaf hoose oo Lafta-gareen la xiriira.

Sida aan xogta ku helnay, in kasta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ay dibdda usoo saartay doorashadii Arbacadii ka dhacday xarunta baarlamaanka Soomaaliya, hadda waxaa jiray arrimo kale oo ka horreeyey oo xuddun u ah khilaafka.

Doorashadan, oo lagu soo xulayay xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, ayaa waxaa ku soo baxay xubnihii ay wadatay Villa Somalia, halka laga adkaaday xubin uu watay Lafta-gareen, kaddib markii Xasan Sheekh uu ka hor yimid qorshaha hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Xubno ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in muranka kursigu uu ka dhashay kala shaki dheer oo muddo ka dhex taagnaa Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh.

Madaxtooyada federaalka ayaa rumaysan in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isbahaysi iyo heshiis sir ah la galay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Tani waxay imanaysaa iyadoo Lafta-gareen uu hore ugu ballanqaaday Xasan Sheekh inuu taageeri doono, balse kooxda Xasan ayaa hadda tuhmaysa in lagu wado khiyaano siyaasadeed.

Lafra-gareen ayaa la aaminsan yahay inuu rumaysan yahay in Saacid uu leeyahay rajo sare, waxaana taas dheer in Saacid uu beel ahaan ka soo jeedo dhinaca abtiyaashiis, oo Lafta-gareen uu aad ugu dhow yahay.

Sagaalkii xildhibaan ee loo xulay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika intooda badan bannaanka ayaa lagaga heshiiyay, hase yeeshee xiisad siyaasadeed ayaa ka dhalatay mid ka mid ah labada kursi ee ka yimid Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu kursiga u rabay siyaasi dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cali Cabdi Nuur, balse wuxuu tartan adag kala kulmay Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ruugcaddaa ah, isla markaana si toos ah ugu xiran Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada nin waa isku deegaan, hase yeeshee waxaa kala watay Villa Somalia iyo Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Shir arrintan ku saabsan oo Villa Somalia ka dhacay ka hor doorashada ayaan heshiis lagu gaarin. Soo-jeedintii Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa diidmo kala horyimid Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisul Wasaare Xamse, iyo inta badan xildhibaannada iyo wasiirrada Koonfur Galbeed ku metela dowladda federaalka.

Tartanka kursigan ayaa loo arkaa billowga khilaaf labada dhinac u dhexeeya oo sii xoogaysan kara.

Xiisadda waxaa sii hurinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku saf noqday siyaasiyiin mucaarad ku ah Lafta-gareen oo ku jira ururkiisa JSP, oo uu ka mid yahay Xuseen Sheekh Maxamuud. Xuseen oo hore u ahaa agaasimaha madaxtooyada ee Xasan Sheekh ayaa caddeystay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Iyada oo muddo-xileedka Xasan Sheekh ay ka harsan tahay kaliya 6 bilood, waxa la filan karo ayaa ah kaliya khilaafyo la dabooli jiray oo bannaanka yimaada, iyo isbahaysiyo sir ah oo is-muujiya.  

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

The post Xogta khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen iyo shakiga ka dhashay Saacid appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this