Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aankii maamulka Donald Trump oo xaalad halis ah ka horseeday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Aqalka-Cad-White-House-scaled.jpg?fit=25

Baydhaba (Caasimada Online) — Xaalad caafimaad darro oo aad u daran ayaa ka soo ifbaxaysa koonfurta Soomaaliya, iyadoo carruur la keenayo xarumaha caafimaadka oo ka xanuunsan kana caato badan sidii hore, sida uu warinayo wargeyska The New York Times.

Hay’adaha gargaarka ayaa Arbacadii sheegay in kororka ba’an ee nafaqo-darrada uu si toos ah uga dhashay dhimis weyn oo lagu sameeyay dhaqaalihii gargaarka bini’aadannimo ee Mareykanka uu siin jiray Soomaaliya.

Tobannaan xarumo caafimaad oo bulshada ah iyo goobo quudin ayaa xirmay, taasoo daryeel la’aan kaga tagtay boqollaal kun oo qof. Hay’adda Save the Children ayaa bishii Maarso xirtay 47 ka mid ah 128-kii xarumo ee ay ku lahayd Soomaaliya, iyadoo adeegyadii ka joojisay in ka badan 300,000 oo qof, oo ay ku jiraan qoysas badan oo barakacayaal ah oo ku nool Baydhaba.

Colaadda daba dheeraatay ee Soomaaliya iyo dagaalka Al Shabab ayaa daciifiyay bulshooyinka. Bishii Sebtembar, nidaamka qiimeynta cuntada ee ay Qaramada Midoobay taageerto (IPC) ayaa ka digay in 3.4 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan heerar “halis ah” oo sugnaan darro cunto ah. Saraakiisha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in farqiga sii kordhaya ee maalgelinta gargaarka—oo ay ugu wacan tahay taageerada oo ka yaraatay deeq-bixiyeyaasha waaweyn oo uu horkacayo Mareykanka—ay sii murjinayso xaaladda degdegga ah.

Magaalada Baydhaba gudaheeda, cawaaqibka arrintan ayaa si cad u muuqda. Dr. Cabdullaahi Yuusuf, oo ah agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka Gobolka Bay, ayaa sheegay in tirada dadka nafaqo-darrada loo seexiyo isbitaalka ay kordheen 40 boqolkiiba bishii Luulyo marka la barbardhigo Janaayo.

“Markii hore waxaa naloo soo gudbin jiray kiisas heer hore ah… hadda waxay yimaadaan iyagoo daahay, xaaladuhuna aad ayay u daran yihiin, taasina waxay keentay in dhimashadu ay badato,” ayuu yiri. Isbitaalkan oo ay taageerto hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sidoo kale diiwaan-gelinaya koror ku yimid cudurka gowracatada, qiyaastii 50 xaaladood seddexdii bilood ee la soo dhaafay, marka loo eego hal ama labo xaaladood sannadkii caadiga ahaa.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Mareykanku wuxuu ahaa deeq-bixiyaha bini’aadannimo ee ugu weyn Soomaaliya, isagoo celcelis ahaan bixinayay $450 milyan sannadkii, oo ay ku jirto $481 milyan sannadkii 2020, sida ay muujineyso xog gudaha ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka leedahay oo uu soo xigtay wargeyska The New York Times.

Jawaabta Mareykanka

Sannad-maaliyadeedka 2025, oo dhammaaday 30-kii Sebtembar, taageerada bini’aadannimo ee Mareykanka waxay gaartay qiyaastii $128 milyan. Bayaan soo baxay 9-kii Oktoobar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in maamulka Trump uu ansixiyay $14.9 milyan oo dhaqaale cusub ah, iyo in gargaarka milatari iyo kan bini’aadannimo labaduba ay “sii socdaan.”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka “ay weli ka go’an tahay” amniga Soomaaliya, uu bixiyay “wax ka badan intii ku habboonayd,” uuna ku cadaadin doono deeq-bixiyeyaasha kale inay “la yimaadaan xalal waara.”

Hay’adaha gargaarka ayaa ka warramay kala doorashooyin adag oo ay wajahayaan. Dr. Binyam Gebru, agaasimaha hay’adda Save the Children ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaan dib loo cusboonaysiin deeq ay siddeed sano bixin jirtay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ay ku qasabtay inay kala doortaan barnaamijyada quudinta bulshada iyo xarumaha gurmadka degdegga ah.

“Dabcan, waxqabadka naf-badbaadinta waa in mudnaanta la siiyaa, taas ayaana samaynay,” ayuu yiri. “Laakiin waa arrin wax burburinaysa.” Wuxuu intaa ku daray, in bulshada dhexdeeda ilmaha goor hore lagula tacaalo nafaqo-darrada ay ku badbaadin karto “dhowr doollar oo keliya.”

Qoysaska, dhimista dhaqaalaha waxay ula macno tahay rajo xumo. Xeryaha barakaca ee Baydhaba, Owliyo Cali ilmaheeda 18-ka bilood jira, oo markii hore cuntooyinka nafaqaysan ka heli jiray rug caafimaad oo u dhoweyd, ayaa hadda miisaankiisu aad u yar yahay. Markii uu cunugga ka soo baxay firiiric jadeeco ah isla markaana qandho sare ay qabatay, waxay soo deynsatey lacag $3 ah oo ay taksi ugu raacdo isbitaalka weyn, taasoo ah seddex jibaarka dakhliga maalinlaha ah ee caadiga ah ee ninkeeda.

Ciriiriga dhaqaale wuxuu dhaafsiisan yahay Mareykanka. “Inta badan deeq-bixiyeyaasheenna muhiimka ah, sida Holland, Jarmalka, iyo Britain, dhammaantood way yaraanayaan,” ayuu yiri Crispen Rukasha oo ka tirsan Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

Britain, oo ah deeq-bixiyaha labaad ee ugu weyn ee dhanka caafimaadka, ayaa joojin doonta maalgelinteeda caafimaad bisha Maarso. Sidoo kale, Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) wuxuu sheegay in gargaarka cuntada ee degdegga ah uu hoos ugu dhici doono 350,000 oo qof bisha soo socota, halka uu ka ahaa 1.1 milyan bishii Ogoosto.

Dowladda Soomaaliya, oo sannadkii hore soo xareysay dakhli dhan $350 milyan oo ay inta badan ku bixiso amniga, ma laha awood ay ku buuxiso farqigaasi; deeq-bixiyeyaasha ayaa bixiya 60 boqolkiiba kharashaadka caafimaadka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ibraahim Aadan Soomow, ayaa dadaalka socda ku barbardhigay dib u dhis guri: “qof walba waa inuu leben keenaa.” Dr. Gebru ayaa ka digay in hal dhimis weyn oo gargaarka lagu sameeyo ay “dib u celin doonto wax kasta oo aan qabanaynay sannado badan.” 

The post Go’aankii maamulka Donald Trump oo xaalad halis ah ka horseeday Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this