Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo soo qabtay nin si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture.webp?fit=887%2C681&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgala degmada Garasbaaley oo xalay howlgal sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qaybta Guud ee Goobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed uu toorey ku dilay xaaskiisa, kaas oo ay isla markiiba soo qabteen Ciidamada Booliska ee Garasbaaley.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Abshir Sheekh Cabdisalaan Maxamed, kaas oo ku eedeeysan in uu xaaskiisa ku dilay toorey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in eedeysanaha ay haatan ku socoto baaris, isla markaana si deg deg ah loo horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Eedeysanaha ayaa ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Booliska Soomaaliya ayaa si weyn loogu boggaadiyay tallaabada uu qaaday, gaar ahaan soo qabashada eedeysanaha dilka arxan darrada ah u gaystay xaaskiisa oo uu mindi ku dilay.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana sidoo kale walaac iyo murugo ay ku reebtay ehellada gabadha iyo dadka dariska la ah qoyskaasi.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhasha murannada qoyska ee u badan maseerka ayaa indhowaanahan kusoo badanayay Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah dalka.

The post Booliska oo soo qabtay nin si arxan darro ah xaaskiisa ugu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this