Sign in to follow this  
Deeq A.

Carab iyo Jaceelow oo halyeeyo loo aqoonsaday kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Carab-iyo-Jaceeloow.webp?fit=1279%2C567&

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gabagabeysay kiis xasaasi oo loo haystay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku eedeysan inay qarxin rabeen boqolaal shacab ah oo dhawaan isugu soo baxay isgoyska Taleex ee Muqdisho, si ay ugu dabaal dagaaan diiwaangelinta 1 milyan qof ee la sameeyay.

Kiiskan ayaa waxaa eedeysane ka ah Aadan Nuur Muuse oo habeenkaas lagu qabtay bam-gacmed uu rabay inuu ky beesado shacabka isugu yimid halkaasi, balse nasiib wanaag waxaa gacant ku dhigay laba dhalinyaro ah oo ka shakiyay kahor inta aanu goobta qarxin, waxayna kadib waeejiyeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliye Axmed Cabdalla oo ugu horreyn hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu rabay in goobta uu ka gaysto xasuuq, balse laga hortegay dhagartiisa.

“Eedeysanaha waxaa uu rabay in madax iyo shacab isaga kala yimid 20 degmo oo u dabaal dagaya diiwaan galinta 1 milyan oo isgoyska Taleex lagu qabtay inuu dhameeyo balse ma dhicin taas”. ayuu yii Xeer-ilaaliyexmed Cabdalla.

Inta ay soo socotay dooda dhinacyada, ayaa waxaa sidoo kale goobta lagu soo bandhigay muuqaal ay doobtay Camiro CC TV, halkaas oo laga arki karo eedeysanaha oo toos u dhex-galaya shacabka kadibna markii laga shakiyay isku dayaya inuu baxsado, balse la qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa si weyn u boggaadiyay naf-hurnimada labada wiil ee dhalinyarada ah ee qabtay eedeysanaha, kuwaas oo magacyadooda lagu soo koobay Carab iyo Jaceelow, kana soo muuqday Maxkamadda.

“Marka hore labada muwaadin ee shacabka ah ee qaybtay eedeysanaha koowaad Aadan Nuur Muuse way mahadsan yihiin Carab iyo Jaceelow waxaad gudateen waajib aanu guda karin qof walba in aad hub la’aan qabataan qof wata bam qarxi kara waaxaad ku muujiseen dhiiranaan iyo naf-hurnimo” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida.

Shuute ayaa sidoo kale sheegay in Carab iyo Jaceelow loo aqoonsaday inay yihiin halyeeyo Qaran, laguna dari doono hay’adaha amniga, si ay u helaan xuquuq iyo abaal-marin.

“Maxkamadda horteeda waxaan idin kagag jeedinayaa amaan aad mudateen badbaadinta shacabka, waxaana sameyn doonaan qoraal aan hay’adaha amniga kaga dalbeyno inay fursad idin siiyaan oo aad heshaan tababar iyo xuquuq aad uga mid noqoneysaan halyeeyada nool ee hay’adaha amnig, waxaa tihiin Daljireyaal guuleysta” ayuu raaciyay.

The post Carab iyo Jaceelow oo halyeeyo loo aqoonsaday kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this