Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii ‘kufsiga gaystay’ oo laga soo dajiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
566214901_1129582969355340_7146643710051

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in haatan garoonka Muqdisho laga soo dajiyay Jaamac Cabdi Maxamuud  (Ildab) oo ahaa agaasimihii hore ee isbitaalka guud ee Qardho, kaas oo ku eedeysan kufsi uu u gaystay gabdho iyo muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in eedeysanaha, isaga oo baxsad ah laga soo qabtay dalka Rwanda, isla markaana haatan laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde.

Eedeysanaha ayaa sidoo kale loo gudbiyay xabsiga qaybta baarista dambiyada Booliska ee CID, iyada oo haatan ay ku socoto baaris dheeraad ah.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdho Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daray “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa ku guulaystay in eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud lagasoo dajiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade shalay galab oo taariikhdu ahay 18/10/2025, waxaana eedaysanaha lagu wareejiyay laguna xiray xabsiga Qaybta Baarista Dambiyada Booliiska ee CID”.

Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in agaasimihii hore isbitaalka guud ee Qardho uu wajihi doono Maxkamadeyn, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha ayaa sida ugu dhakhsaha badan loo gudbin doona Maxkamadda Awooda uleh, si uu uwajaho cadaaladda” ayaa ma kale lagu yiqi warqadda.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale mahadceliyay hay’adaha dowladda Rwanda iyo Booliiska Soomaaliya, gaar ahaa qaybta Interpol oo qayb lixaadleh ka qaadatay in eedaysanaha lasoo galiyo gacanta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalaan dambiyada tacaddiga Jinsiga iyo ilaalinta sharafta iyo sumcada dumarka Soomaaliyeed.

Puntland ayaa dhankeeda horay u shaacisay in la qabtay eedeysanaha isaga oo baxsad ah, waxayna markaa sheegtay in dalka lagu soo celin doono, kadibna la Maxkamadeyn doono.

Si kastaba, Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan waxaana laga war dhowrayaa sida loo xakameeyo, maadaama lasoo qabtay eedeysanaha oo mudo ka dhuumanayay cadaaladda.

567931324_1129578872689083_5594405079665

The post Agaasimihii ‘kufsiga gaystay’ oo laga soo dajiyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this