Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo maqaam sare ku soo dhawaysay Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   
1000077261.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Dowladda Itoobiya ayaa maqaam sare oo ka duwan sidii hore ee madaxda maamullada Soomaaliya ku soo dhawaysay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta gaaray Addis Ababa.

Madaxweynaha Somaliland waxaa madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedion Timotheos iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

1000077260.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Somaliland ayaa sheegtay in booshada Cirro ay la xiriirto arrimaha amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

1000077262.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweyne Cirro ayaa inta uu ku sagan yahay magaalada Addis Ababa, waxa uu kulamo la yeelan doonaa madax ka tirsan Itoobiya, kuwaasi oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dhinac, kor u qaadidda ganacsiga, isu-socodka ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxaa safarka Itoobiya ku wehelinaya wasiirradiisa arrimaha dibedda, madaxtooyada, maaliyadda, hawlaha guud, maalgashiga, taliyaha ciidanka, agaasimaha hay’adda sirdoonka Somaliland iyo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka Xirsi Xaaji Xasan.

PUNTLAND POST

The post Itoobiya oo maqaam sare ku soo dhawaysay Cirro appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this