Sign in to follow this  
Deeq A.

Deyn cafintu waa guul u soo hoyatay dowlad-dhisidda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

1000077635.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1Marka dal dayn laga cafiyo lacagta uu dulsaarka ku bixin lahaa waxay noqotaa kayd uu u isticmaali karo maalgelinta waxbarashada iyo caafimaadka.

Garoowe (Faallo PP) — Maalmahan dalalka saboolka ah oo deynmaha lagu leeyahay waxaa soo foodsaaray cadaadis ku saabsan bixinta dulsaarka deynta. Dalalkaas lacagaha ay ku bixin lahaayeen caafimaadka iyo waxbarashada waxay ku bixiyaan dulsaarka deynta lagu leeyahay.

Siddeetamaadkii qarnigii hore markii Soomaaliya qaadatay taladii Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) waxay yaraysay misaaniyadda ku bixi jirtay waxbarashada iyo caafimaadka. Sanad-dugsiyeedkii 1986-1987 Soomaaliya waxay hirgelisay hab waalidku ku bixinayaan qeyb ka mid ah mushaarka barayaasha. Arday kasta lacag ayay dowladdu ka qaadi jirtay waayo IMF ayaa dowladda ku amartay in qeyb badan oo ka mid ah miisaaniyadda waxbarashada iyo caafiimaadka u jiheyso bixinta dulsaarka deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Deyn cafinta loo sameeyay Soomaaliya waa guul u soo hoyatay dowlad-dhisidda. Haddii  Soomaaliya aan laga cafin lahayn deynta waxaa dhici lahayd in ardayda, oo badankood maantaba bixiya lacag, ay ku waajib noqon lahayd inay lacag badan bixiyaan si ay wax ugu bartaan dugsiyada hoose iyo sare.

David Milliband, oo mar ahaa Wasiirka Arriimaha Dibedda ee Biritayn, ayaa maqaal uu ku qoray Wargeyska Financial Times, wuxuu soo jeediyay in dib u habayn lagu sameeyo lacagaha lagu leeyahay dalalka saboolka ah si ay deynta laga cafiyo ugu isticmaalaan maalgelinta waxbarashada iyo caafimaadka. Haddii Soomaaliya ay ku sii jiri lahayd ku meelgaar ma dhici lahayn in deyn cafin loo sameeyo.

© Puntland Post, 2025

The post Deyn cafintu waa guul u soo hoyatay dowlad-dhisidda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this