Deeq A. Posted yesterday at 09:58 AM Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in todoba askari geeriyootay, shan kalena dhaawacmatay, kaddib markii gaari ay saarnaayeen oo nooca dagaal ah lala beegsaday qarax. Qaraxa oo sida lagu soo warramayo ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah, ayaa maanta barqanimadii ka dhacay deegaanka Dararmadoobe oo u dhexeeya tuulooyinka Tuurmasaale iyo Dhaadaar. Ma ahan markii ugu horreysay oo wadada qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad. Qaraxa maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor uu guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Maxamed Baarri Shire sheegay in deegaanno hore looga sifeeyay kooxda Daacish ay hadda dib ugu soo noqdeen. Guddoomiye Baarri wuxuu xusay in kooxda argagixisada Daacish ay ku milmeen dadka reer guuraaga ah ee degan buuraleyda Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Puntland: Qarax ka dhacay Calmiskaad appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites