Deeq A. Posted 19 hours ago Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta doortay xildhibaanadda ilaa 2027 Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Xubnahan oo ka kooban sagaal, afar haween tahay ayaa isugu jiraan dublamaasiyiin, aqoonyahano iyo siyaasiyiin, kuwaas oo kala ah; 1. Xuseen Xasan Cabdi2. Dr Cabdisalaan Hadliye3. Pro. Faysal Cabdi Rooble4. Amb. Faadumo Cabdullaahi Insaaniya5. Fahma Axmed Nuur6. Ilhaan Cali Gasar7. Amb. Sahro Cali Xasan8. Amb. Abuukar Cali Mardaadi, iyo9. Cabdiraxmaan Bashiir Shariif. Soomaaliya ayaa ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika bishii Maarso ee sanadkan. Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo quseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dooratay xildhibaannada ku meteli doona EAC appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites