Sign in to follow this  
Deeq A.

Hadda dib u dhisidda ayaa bilaabaneysa,’ ayuu yiri Trump isagoo saxiixay qorshah

Recommended Posts

Deeq A.   

1bf651a0-a86b-11f0-a48c-2505d14e4da1.jpg
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar iyo Turkiga ayaa saxiixay baaq nabadeed oo ku saabsan sidii Qasa loogu soo dabaali lahaa nabad kadib shir madaxeed ka dhacay magaalada Sharm el-Sheikh ee dalka Masar.

“Maalin cusub oo qurux badan ayaa soo kacaysa, haddana dib-u-dhiska ayaa bilaabmaya,” ayuu yiri Trump, isaga oo ammaanay hoggaamiyeyaasha gobolka ee gacan ka geystay xabbad-joojintii Israa’iil iyo Xamaas.

Mar sii horreysay, khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Israa’iil, ee Knesset, ayuu madaxweynuhu u sheegay sharci-dejiyayaasha farxadda u muujinaya in “Riyadii dheeraa ee xanuunka badnayd ay ugu dambayntii dhammaatay”.

Israa’iil ayaa sii deynaysa 250 maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1,700 oo kale oo Falastiiniyiin ah oo lagu xiray hawlgalladii milatari ee labadii sano ee la soo dhaafay ka socday Qasa, taas oo ay ku beddelatay 20kii u dambeeyay ee Israa’iil la hayste ah oo ay haysteen Xamaas.

Isweydaarsiga, oo ah wajigii ugu horreeyay ee qorshaha nabadda ee Trump, ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu daro soo celinta meydadka 28 la haystayaasha Israa’iil ah.

Trump iyo Netanyahu

Xigashada Sawirka,Reuters

Qoraalka sawirka,Trump waa “saaxiibkii ugu weynaa” ee Israa’iil ay ku yeelato Aqalka Cad, Netanyahu ayaa yiri

Isgaoo Trump kusoo dhoweynayay baarlamaanka, Netanyahu wuxuu ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka “saaxiibkii ugu weynaa” ee Israa’iil ay ku yeelato Aqalka Cad.

“Wax walba way is beddeleen” hab-dhaqanka Maraykanka ee ololihii milatari ee Israa’iil ee Qasa markii Trump mar labaad loo doortay madaxweynaha Maraykanka sannadkii hore, ayuu yiri.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa uga mahad-celiyay Trump “caawintiisa aan kala go’a lahayn” ee lagu xaqiijinayo soo celinta la haystayaashii haray – qayb ka mid ah koox ka kooban 251 qof oo lagu qabtay weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 ee koonfurta Israa’iil ee Xamaas.

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahad celiyay dhiggiisa isaga oo yiri: “Ma ahan qofka ugu fudud ee uu lala macaamili karo, laakiin taasi waa waxa ka dhigaya nin weyn”.

 Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this