Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro iyo waftigiisii oo si diiran loogu soo dhaweeyay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1760453637200-300x200.jpg

FB_IMG_1760453641424-300x169.jpg

FB_IMG_1760453644663-300x169.jpg

FB_IMG_1760453647791-300x200.jpg

FB_IMG_1760453651420-300x200.jpg

FB_IMG_1760453654874-300x200.jpg

FB_IMG_1760453658773-300x200.jpg

FB_IMG_1760453668920-300x266.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Raโ€™iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa Madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this