Sign in to follow this  
Deeq A.

CIA, Al-Qaacida iyo dagaal-kii Muqdisho ka dhacay ee abid beddelay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
CIA.png?fit=1967%2C1412&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo dib u eegis taariikhi ah ayaa iftiiminaysa doorka Al-Qaacida ee “Dagaalkii Muqdisho” 3–4 October 1993, khasaaraha milatari ee Maraykanka, iyo sida dhacdadu u beddeshay jihada siyaasadda dibadda ee Washington sannadihii xigay.

Qoraalka, oo lagu daabacay The National Interest, ayaa xusay in ugu yaraan 10 xubnood oo Al-Qaacida  ah ay ka taageereen dagaalyahannada Soomaaliyeed ee Jeneraal Caydiid dagaalka ka dhacay caasimadda. Tani waxay la jaanqaadaysaa sheegashooyin hore oo ka yimid khubaro amni iyo saraakiil CIA ah oo sheegay in shabakadda Osama bin Laden ay tababbar farsamo siisay maleeshiyada la-dagaallamay Maraykanka.

Asalka howlgalka wuxuu ka bilowday gargaarka bini’aadannimo ee ay horseedeen marines-ka Mareykanka dhammaadkii maamulka George H. W. Bush, si looga hortago gaajada ka dhalatay burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalladii sokeeye.

Markii Bill Clinton xafiiska yimid 1993, howlgalka waa la ballaariyey, iyadoo US Army Rangers iyo DELTA Force lagu amray in ay beegsadaan hoggaamiyeyaasha dagaalka ee lagu eedeeyay xadgudubyada, gaar ahaan kooxda uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

Howlgal maalmeed lagu bartilmaameedsaday kulan hoggaamineed oo magaalada dhexdeeda ka dhacay ayaa isu beddelay dagaal culus. Laba diyaarad oo nooca Black Hawk ah ayaa la riday, 18 askari oo Mareykan ah ayaa dhintay, ku dhowaad 80 waa ku dhaawacmeen, duuliyihii Mike Durantna waa la qabsaday. Pentagon wuxuu hore uga digay khatarta hawlgalka, balse taageero gaashaandhig lama bixin. Kaddib, Aqalka Cad wuxuu doortay bixitaan degdeg ah, taas oo dhalisay dood siyaasadeed oo gudaha ah.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in farsamadii lagu riday Black Hawk-yada, oo ahayd in RPG lagu dhufto diyaaradaha si hoose u duulaya, ay ahayd xeelad Al-Qaacida  ka soo baratay dagaalkii ka dhanka ahaa Soofiyeetka ee Afghanistan 1980-meeyadii. Osama bin Laden ayaa hadallo uu ka jeediyay kadib sheegay in ujeeddadiisu ahayd “ceebeyn fagaare ah” si loo abuuro “Somalia Syndrome,” oo la mid ah kalsooni-yaraan siyaasadeed ee ka dhalatay jabkii Mareykanka ee dagaalka Vietnam.

Saameynta siyaasadeed ee dhacdada waxay dhaaftay Soomaaliya. Fadeexaddii Muqdisho ayaa gundhig u noqotay ka fogaanshihii Maraykanka ee faragelinta xasuuqii Rwanda 1994, inkastoo siyaasadda Washington ay mar dambe dib ugu noqotay faragelin, iyadoo ku lug yeelatay Balkans iyo, dabadeed, dagaalladii Afghanistan iyo Iraq kadib weerarradii 9/11.

Qoraaga The National Interest ayaa ku dooday in khaladaadkii qorshaynta iyo qiimaynta dagaal-yahannadii Muqdisho dib ugu soo noqdeen “Global War on Terror,” balse heer ballaaran.

Warbixintu waxay soo jeedisay saddex cashar oo muhiim ah. Midda koowaad, kala saarid cad oo u dhexeysa hawlgallada gargaarka iyo kuwa militari, si aan looga beddelmin dhexdhexaadnimo una noqon bartilmaameed colaadeed. Midda labaad, qiimayn sax ah oo ku saabsan awoodda cadowga iyo deegaanka dagaalka, gaar ahaan dagaal-xeerarka magaalooyinka. Midda saddexaad, diyaarinta sahay iyo taageero gaashaandhig oo ku filan hawlgallada khatarta sare leh, si looga hortago go’doomin iyo khasaaro badan.

In kasta oo Maraykanku dagaalka ku sababeeyay khasaare culus oo soo gaaray dhinaca Soomaalida, dhacdadu waxay dhaawacday sumcaddii milatari ee Washington xilligii ay ku faani jirtay “quwada koowaad” ee dunida. Taasi waxay siineysay Al-Qaacida dhiirogelin iyo dhiiranaan soo jiidatay taageerayaal cusub, iyadoo abuuraysa sheeko ku saabsan “Maraykan warqad ah.”

Soddon sano kadib, Dagaalkii Muqdisho wuxuu weli u taagan yahay xusuus murugo leh oo laba dhinac leh, midda bini’aadannimo ee asalka ahayd iyo midda militari ee kusoo rogmeysa. Waxaa ka dhashay su’aalo ku saabsan goorta iyo sida loo kala hormariyo gargaarka, danaha amni, iyo xadka faragelinta. Waxaa kale oo uu xasuusinayaa halista ay leedahay in lagu dhaqaaqo hawlgallo adag iyadoo aan lahayn faham qoto dheer oo “deegaanka iyo cadowga ah”, ama aan la haysan qalab iyo qorshe baxsad oo dhammaystiran.

Dhacdadaas ayaa weli lagu qiimeeyaa cashar ku saabsan isku xirnaanta xeeladaha dagaal, halista siyaasadda, iyo saamaynta muuqaalka awoodda ee go’aannada Washington. 

The post CIA, Al-Qaacida iyo dagaal-kii Muqdisho ka dhacay ee abid beddelay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this