Deeq A. Posted 11 hours ago Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa saaka goor sii horreysay ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono Abiy Axmed. Safarkan oo aan horay loo sii shaacin ayaa lasoo warinayaa in Madaxweynuhu kaligiis u baxay, wuxuuna diyaarad gaar ka qaatay Muqdisho, isaga oo ka dagay Addis Ababa. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, daris wanaaggga iyo xaaladda gobolka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay sidoo kale kulankooda diiradda ku saari doonaan xaalada Jubbaland, si xal loogu helo khilaafka taagan ee labada dhinac, kasoo kasii daray markii dhawaan lagu kala kacay wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegaya in Abiy uu Xasan ku qancinayo in wada-hadallada sii socdaan, si ay u miro dhalaan wada-hadallada bilowday ee aan illaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah. Waxaa kale oo suuragal ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu cagta soo mariyo dalka Kenya, isaga oo wada-hadallo kuwaan lamid ah uu lasoo yeelan doono William Ruto. Kenya ayaa door muuqdo oo dhex-dhexaadin ah ku lahayd, wada-hadalladii ka dhacay Ksimaayo, waxaana goobjoog ahaa taliyaheeda sirdoonka, inkastoo markii la kala kacay uu dib ugu laabtay caasimada Nairobi. Sidoo kale, xogta ayaa intaasi kusii dareysa in qorshuhu yahay in mar kale la’is arko, lana sii amba qaado wada-hadallada, waxaana horay sidaas ugu ballamay Dowladdda Federaalka iyo Jubbaland oo dhawaan warsaxaafadeedyo kasoo saaray wada-hadalladoodii. Safarkan lasii qorsheeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshe culus oo au ku dooneyso in maamul cusub oo ka madax banaan Jubbaland ay ka dhisto Gedo, kaas oo haysta sharciyadda dowladda. Si kastaba, ha’ahaatee lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaana la eegi doonaa halka ay ku dambeeyaan dadaallada socda ee ay qaybta ka yihiin waddamada dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya. The post Xog: Xasan oo ka dagay Addis Ababa + Qorshihiisa appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites