Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo weerar ku qaaday sarkaal hub culus lasoo galay Muqdisho kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   
558977106_1379282090868708_6355089948431

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal lagu beegsaday sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabo Col. Cali Xuubeey, kadib markii hub iyo gaadiid uu lasoo galay Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa weeraray Col. Cali Xuubeey, xilli uu ku sugnaa aagga Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxayna kala wareegeen gaadiid dagaal oo uu watay, sarkaalkan oo xilal kala duwan soo qabtay, gaar ahan dhanka HirShabelle.

Gaadiidka la gala wareegay ayaa waxaa ku buufsanaa astaanta ciidanka Xoogga dalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo.

Col. Cali Xuubeey oo qudhiisa oo qoraal kooban soo saaray ayaa caddeeyay in lasoo weeraray, balse waxa uu ku goodiyay in maalinteeda uu sugayo, isla markaana aanu ka hari doonin cidda kala wareegtay gaadiidka.

Arrintan ayaa u muuqata mid daba socota digniintii dhawaan kasoo baxday Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gebi ahaan mamnuucay in la is ticmaalo gaadiidka ciidanka, astaantooda iyo dareeska intaba.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si sharci-darro ah u adeegsanaya dareeska, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada iyo sharciga dalka.

Digniintan ayaa u muuqata mid ku socota siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho, maadaama ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga Dalka ay hadda ilaaliyaan siyaasiyiin mucaarad oo ku beel ah. Sidoo kale, waxaa jira ciidamo kale oo aan ka tirsaneyn Xoogga, balse adeegsada dharka iyo gaadiidka u eg kuwa CXDS.

Si kastaba, Sarkaalka hadda lagu bilaabay howlgalka ayaa kamid ah xubnaha aadka ugu dhow mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

The post DF oo weerar ku qaaday sarkaal hub culus lasoo galay Muqdisho kadibna… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this