Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaabkii ugu badnaa oo u soo gacan galay DF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
563533019_1332859618523390_9896401928127

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ayaa maanta Baydhaba ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ay sheegtay hay’addu.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay isa soo dhiibeen illaan 12 xubnood, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba, iyada oo sawirradooda lasoo bandhigay

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybaha jabhadaha, amniyaadka, aruurinta lacagaha baadda, iyo xisbada, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in xubnahan ay kasoo howlgaleen inta badan gobollada, ayna ka qayb qaateen howlgallo iyo dagaallo kala duwan oo ay kooxda fulisay.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dib ula midoobaan dadkooda, ayna dalbanayaan cafis guud.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayna qudhooda u adkeysan waayeen xaaladda ay ku sugnaayeen, kahor inta aanay kasoo tagin kooxaha Khawaarijta.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay sidana oo kale usoo bandhigtay maleeshiyaad badan oo kasoo goostay Al-Shabaab, waxaana la marsiiyay habraacyo ay dowladdu dajisay, kadibna waxaa loo sii gudbiyaa xarumaa gaarka ah ee dhaqan celiska oo muddo lagu hayo.

563533019_1332859618523390_9896401928127 558855474_1332859815190037_3465551482323 559176434_1332859811856704_7466357684042 559402875_1332859498523402_5859290572562 559402875_1332859601856725_7620248215711 559525822_1332859538523398_4070491042329 559972604_1332859661856719_2980847554755 561034260_1332859735190045_2650443509852 561350090_1332859305190088_3671797835505

The post Shabaabkii ugu badnaa oo u soo gacan galay DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this