Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo dhambaal u dirtay Qatar kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Qatar-Somalia.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal u dirtay dowladda Qatar iyo shacabkeeda, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya u direyso dowladda iyo shacabka walaalaha Qatar, kadib shilkii gaari ee naxdinta lahaa ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Shilkaas ayaa waxaa ku geerida saddex muwaadin oo u dhashay Qatar iyo dhaawaca qaar kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka u xaqiijiyay in Soomaaliya ay marwalba garab taagan tahay walaalahooda Qatar.

Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda iyo shacabka aannu walaalaha nahay ee Qatar, uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan alle uga rajeynayaa in uu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiimo degdeg ah siiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ay mar kasta ugu garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, isaga oo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay Qatar ka qaataan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dalkeenna.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo aad u wanaagsan. Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa door muuqda ka qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

559119263_1166456462250165_5049122162971

560245602_1166456455583499_4969393349162

The post Sawirro: DF oo dhambaal u dirtay Qatar kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this