Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay farriinta ay Xasan Sheekh iyo Xamza usoo direen shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Xamza.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhambaal hambalyo usoo direy shacabka Soomaaliyeed, kaas oo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isna dhankiisa sheegay in maalintani ay tahay mid qiimo weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku beeggan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calanka Jamhuuriyadda oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed waa astaan u taagan wadajir iyo midnimada bulshadeenna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Gobannimada Soomaaliyeed ee aan maanta ku naaloonayno waxa ay ku timid halgankii ay galeen geesiyadii u istaagay difaaca, sharafka iyo karaamada ummaddeenna, si aan u xaqiijiyo mirihii ka dhashay gobannimada ay dhaliyeen geesiyaashaas, waa in aan dhammaanteen u midownaa cadowga dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ilaashadaan guushii uu dhiigga badan u daatay ee dalkeennu loogu dhaliyey xornimadiisa, kana gudbaan wax kasta oo keenni kara kala qeybsanaan iyo midnimo la’aan bulsho.

The post Maxay tahay farriinta ay Xasan Sheekh iyo Xamza usoo direen shacabka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this