Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib heshiiskii Nairobi, Waqooyi Bari oo shaacisay heshiis iskaashi oo ay la gashay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Firdhiye-1.jpg?fit=2048%2C1364&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay in maanta ay heshiis cusub wada gaareen dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Sida uu shaaciyay telefishanka maamulka Waqooyi Bari, heshiiskan ayaa ku qotoma iskaashi amni oo labada dhinac yeelanayaan, kaasi oo la gaaray kadib kulamo ay yeesheen mas’uuliyiin ka socotay labada dhinac.

“Kulan lagaga tashanayo iskaashiga amniga labada dawladood aya dhex maray masuuliyiinta Dawladda Waqooyi Bari iyo wefti sare oo ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay muhiimada ay leedahay kor u qaadista amniga iyo ilaalinta nabadda mandiqadda,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta maamulka.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa isla qaatay iskaashi amni oo ku qotoma ilaalinta danaha amni iyo nabad-galyo ee labada dowladelood, iyadoo la gaaray illaa 6 qodob oo muhiim ah.

Qodobada la gaaray ayaa waxay kala yihiin:

  1. Iskaashi buuxa oo ku aaddan sugidda amniga xuduudda dheer ee ay wadaagan labada dowladood
  2. Iskaashi dhex mara hay’ahada amniga labada dowladood
  3. Isweydaarsiga xogaha iyo wadaaga macluumadka amni
  4. Ka hortagga tahriibka iyo tahriibinta
  5. Ka hortagga denbiyada abaabulan
  6. Joogtaynta kulamada amni ee masuuliyiinta labada dhinac

Ugu damebyntiina, Masuuliyiinta dowlad deegaanka ayaa bogaadiyey maamulka cusub ee Waqooyi Bari, dhankooda mas’uuliyiinta dowladda Waqooyi Bari ayaa ka mahad-celiyey iskaashiga amni, ganacsi ee dowladda deegaanku la leedahay Waqooyi Bari.

Iskaashigan cusub ayaa imanaya xilli ay dhawaan maamullada Somaliland iyo Puntland ay magaalada Nairobi ku gaareen heshiis ku qotoma iskaashi amni, kaasi oo loo fasiray “mid labada maamul ugu midoobayaan diidmada maamulka cusub ee Waqooyi Bari”.

Heshiiska Nairobi ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Somaliland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

560017480_122151371084638794_47057749096

561745749_122151371012638794_34384774219

558401818_122151371168638794_41312614839

561462125_122151369878638794_25809766473

559186692_122151369914638794_21858495031

559919703_122151369950638794_25372563066

559151619_122151369986638794_86449613189

558893127_122151370022638794_13235436114

558656037_122151370058638794_89984183169

561566789_122151370136638794_70610435624

550972371_122151370094638794_65148038293

559928676_122151370172638794_26793633524

558680975_122151370208638794_82338885657

561965098_122151370280638794_81427683781

561142618_122151370388638794_81433741562

557972407_122151370352638794_78908387613

558977260_122151370316638794_91379976320

558423816_122151370466638794_20713019639

555079551_122151370424638794_48517211838

561309269_122151370706638794_62667831688

The post Kadib heshiiskii Nairobi, Waqooyi Bari oo shaacisay heshiis iskaashi oo ay la gashay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this