Sign in to follow this  
Deeq A.

Youtube oo qiratay inay ku khaldantay Donald Trump ogolaatay inay bixiso 25 Milyan oo Dollar oo raalli-gelin

Recommended Posts

Deeq A.   

Barta You Tube ayaa ogolaatay in ay bixiso 25 Milyan oo Dollar, taas oo ah raalli gelin laga siiyey in la xidhay bartii uu You tube ku lahaa sannadkii 2021-kii markaas oo Warbaahinta baraha bulshada laga joojiyey in uu adeegsado Donald Trump.

You tube ayaa qiratay in ay ku qaldanatay Mr Trump iyada oo hadda siinaysa lacagta uu raalli gelinta u helay.

Shirkadda Face book ayaa sidoo kale iyaduna dhowaan Trump siisay 25 Milyan oo ah raalli gelin ku wajahan in Trump laga xayiray bartiisa Facebook.

Trump ayaa markii uu talada qabtay bilaabay in uu la xisaabtamo shirkaddihii barahooda ka xidhay markiii uu ku murmay doorashadii lagaga adkaaday sannadkii 2020-kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this