Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii dawladda Koonfur Afrika u fadhiyey dalka Faransiiska oo maydkiisa laga helay bannaanka Hotel uu degganaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirkii dawladda Koonfur Afrika u fadhiyey dalka Faransiiska aya maydkiisa laga helay bannaanka Hotel uu degganaa oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhintay Danjire Emmanuel Nkosinathi Mthethwa, waxaana jira xog sheegaysa in uu ka soo dhacay dabaqa 22 halka qaar kalena ay tilmaamayaan in laga soo tuuray bartii uu degganaa.

Xaaskiisa oo uu diray farriin muujinaysa dareen cabsiyeed ayaa Booliska ku war gelisay in warkiisa la raadiyo iyada oo ugu dambayn la helay maydkiisa.

Ninkan oo da’diisu 58 jir ahayd, waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii reer Koonfur Afrika ee sida weyn uga dagaallantay midab takoorkii dalkaas ka jirey isaga oo markii dambena noqday mudane Baarlamaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this