Deeq A. Posted Sunday at 12:45 AM Wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afmeeray weerarkii shalay galab lagu qaaday xarunta Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, kaddib markii la toogtay dhammaan ragii weerarka soo qaaday. Wasaaradda amniga ayaa xustay in ay weerarka geysteen todoba (7) nin oo watay baabuur nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufsan tahay midabka iyo astaanta ciidamada amniga, isla markaasna ay xirnaayeen dareys u eg kan ciidamada. Dowladda kama hadlin khasaarihii uu geystay weerarka xarunta Godka Jilicow oo socday muddo 10 saacadood ah. PUNTLAND POST The post Weerarkii Godka jilicow oo la soo afjaray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites